Mucjisda Yey, Masas Iyo Dib-Qalloocyo Go’doomiyey Dugsiyo Ku Yaalla Waddanka Masar

0
956

Qaahira (Geeska)- Dadka ku nool deegaannada A-Saciid ee dalka Masar ayaa sannad dugsiyeedkooda sannadkani waxa uu ku bilowday dhacdo aan deegaankaas hore aad uga dhici jirin oo la xidhiidha nabadgelyada ubadka dugsiyada aadaya. Sida ay ku warrantay shabakadda Misriyuun oo uu Geeska Afrika soo xigtay, ardayda dhigta dugsiyada ku yaalla dhulka buuraleyda ah iyo dooxooyinka ama kuwa dugsiga u sii mara dhulka beeraha qasabka ahi aad uga baxaan, ayaa khaatiyaan la taagan yey iyo xayawaanno kale oo khatar ah oo cabsi ku haya noloshooda. Arday badan oo ka mid ahna yeydaas oo deegaanka ku badan ayaa waxyeellaysay, iyada oo dhibaatadan sii korodhkeedana ay qayb ka tahay adeegyadii dawladeed oo deegaannadan ka maqan iyo dhulka maritaankoodu adag yahay ee aan waddooyinka lahayn waxaa adkaata in qofkii waxyeello soo gaadho waqti sax ah oo ku habboon la geyn karo cisbitaalka.

Waxaa iyaguna jira masas tiro badan iyo dibqalloocyo iyaguna carruurta lugaynaysa farabaas ku haya, dadka deegaankan oo aan haysan gaadiid ayaa ay dantu ku kalliftay in carruurta dugsiyada aadaya ay sii fuushiyaan dameero iyo gaadhi ximaarro.

Deegaannada qaar ay xaaladdu sidan ka sii adag tahay oo xayawaannada aynu kor ku soo xusnay si aan tiro lahayn dhulka u siqayaan ayaa sababtay in waalidiin badan ubadkooda ka saaraan dugsiyada si ay nabadgelyadooda u hubiyaan.

Lama sheegin sababta kallifay in xayawaannadan khatarta ahi xilligan sidaa aadka ah ugu soo bataan dhulkan, waxa aanay dadku sheegayaan in haddii aan waxba laga qaban ay dhici karto in uu saamayn aan fiicnayn ku yeesho waxbarashada ubadka.