Gabadhii Ugu Horreysay Adduunka Ee Gaadhi Masaafad Dheer Kaxaysa

0
760

Turjumaddii Kamaal A. Cali   

Gabadh maalqabeen ahayd oo lagu magacaabi jiray Bertha Benz ayaa ahayd gabadhii inta la og yahay taariikhda adduunka ugu horreysay ee gaadhi (Gaadhi la mood) kaxaysa.

Warbixin ay shabakadda wararka ee Alcarabiya ka qortay arrintan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa ay ku sheegtay in Bertha oo u dhalatay dalka Jarmalku ay 95 ku dhimatay sannadkii 1944-kii.

Bertha waxa ay ahayd ganacsato caan ahayd xilligeedii oo ay shuraako ahaayeen saygeeda Karl Benz oo isaguna ahaa ninka ninkii curiyey fikirka samaynta gawaadhida. Benze waxa uu lahaa shirkaddii waqtigaas caanka ahayd ee samaynta gaadiidka, Benz Patent-Motorwagen oo ay shuraako ku ahaayeen xaaskiisa.

Bilowgii iskaashiga ganacsi ee iyada iyo odaygeeda

Bertha oo ahayd ganacsato guurka ka hor shuraako la gashay Benz ayaa markii ay is guursadeen ninkan sida uu sharciga Jarmalku qabay waxa ay weyday xaqii ay u lahayd maalgashiga ganacsi maadaama oo ay guursatay.

Bishii Laba iyo Tobnaad ee 1885-kii ayaa uu Karl Benz dhisay shirkaddiisii ugu horreysay ee soo saarta gaadiidka. Gaadhigan qaabkiisa waxa uu ka soo dheegtay gaadhi-faraska oo waqtigaas ahaa gaadiidka ugu muhiimsan ee la isticmaalo. Waxa uu ahaa buudhi qaabka gaadhi faraska ah oo halkii uu faras ka jiidayey uun laga dhigay mishiin gaadhi.

Kaxayntii koowaad ee Gaadhiga

Bishii siddeedaad ee 1888-kii ayaa Bertha oo markaas 39 sano jirtay, iyada oo aan odaygeeda u sheegin isla markaana aan fasax ka qaadan maamulkii dawladda maadaama oo sharcigu aanu markaas gaadhiga kaxayntiisa u ogolayn dumarka, waxa ay kaxaysatay gaadhi ka mid ah kuwii shirkaddu samaysay.

Bertha waxa ay gaadhigan ku safartay 106 kiiloomitir iyada oo sii kaxaysatay labadeeda wiil ee Augen oo 15 sano jir ah iyo Richard oo 13 sano jir ahaa, sidaas ayaana ay ku noqotay gabadhii taariikhda ugu horreysay ee gaadhi kaxaysa.

Ujeedada runta ah ee Bertha ay ka lahayd safarkani waxa ay ahayd in ay soo eegto hooyadeed, laakiin sida ay iyaduba sheegtay waxaa jira ujeeddo kale oo ay safarkan u gashay. Waxa ay doonaysay in ay dadka tusto xaqiiqada ah in gawaadhidani ay leeyihiin awood ay safar ku geli karaan iyo in ay odaygeeda ku dhiirrigeliso in aanu la baqan hal-abuurkiisan ee uu suuqyada soo dhigo si dadka loo baro oo ay u iibsadaan.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in waqtigaas oo ahaa qarnigii Sagaal iyo tobnaad ay kaniisaddu aad u awood badnayd, dadkuna uga dambayn jireen arrimaha nolosha oo dhan, ay kaniisaddu si weyn uga soo horjeedday in uu jiri karo wax aan noole ahayn oo iskii isu wadi karaa, haddii ay dhacdana uu waxa dhaqaajinayaa yahay sixir iyo fal, taas oo diinta aan ku bannaanayn. Waana sabab kale oo Benz ku kalliftay in aanu gawaadhida uu sameeyo suuqa u soo saarin, si aanay kaniisaddu ugu kicin oo aan loogu sheegin sixiroole. Waxa ay dadku aad u aamineen fikirkaas kaniisadda ee ah in noole aan cidina jiidaynin aanu socon karin, qaar badan oo ka mid ahina marka ay gaadhigan arkaan waxa ay ku tilmaami jireen mucjiso cirka ka timi, kuwo badan oo kalana ay ku sheegi jireen in waxan gaadhiga lagu sheegayaa uu yahay shaydaanka laftiisii oo dalka iska soo buuxiyey.

Waxaa iyaduna xusid mudan in gaadhigaas samayskiisu uu ku fadhiyey lacag u dhigmaysay 150 doolarka Maraykanka ah oo awooddeeda iibsigu maanta u dhigmayso illaa 4 kun oo doolar.

Shaydaan jidadka maraya

Karl Benz cabsi uu kaniisadda ka qabo darteed waa uu ku dhici kari waayey in uu hal-abuurkiisan dadka u soo bandhigo, illaa la soo gaadhay badhtamihiii 1888 innaga ayaa la wareegnay. Waxa ay ahayd 3 sano kadib markii uu gaadhiga samayskiisa curiyey, gawaadhida uu sameeyeyna tiradoodu waxa ay maraysay 25 gaadhi.