Mourinho, Mahaysid Wadadii Lagu Gaadhayey Barcelona

0
1112

 

Picture1

BY: maxamud Axmed Muse (Awqaafta)

 

Habeenkii xalay waxa kulan aad u xiiso badani dhex maray labada kooxood ee aadka u xafiiltama ee Real Madrid iyo Barcelona. Kulanka oo ku tirsanaa lugta labaad ee koobka loo yaqaan SuperCoppa oo laga ciyaaro dalka Spain. Waa koob ay ku kulmaan labada kooxood ee midi qaado horyaalka halka takalena ka qaado koobka boqorka Spain. Lugtii hore ee kulanka ayaa ka qabsoontay garoonka kooxda Real Madrid ee Bernabue. Kulankaas oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa ku soo afmeeray natiijo barbar dhac ah. Waxana labada koooxood kala dhaliyeen min laba gool. Waxa xusid mudan in kulankaas hor kooxda Real Madrid aad uga gacan iyo ciyaarba wanaagsaneyd kooxda Real Madrid. Waloow kooxda Barcelona kulankaas uu ka muuqday habacsanaan iyo kala daadsanaan badan waxa ay ku doodeen in ciyaaryahano badan oo kooxda halbowle u ahi ka dhaawanaayeen. Laacibinta Xavi, Pique iyo Puyol ayaa dhamaantood qaybtii hore ee ciyaarta fadhiyey kursiga keydka. Isku soo wada xooriyoo labada kooxood ayaa habeenkii xalay isku haleelay garoonka Nou Camp. Ciyaartan ayaa ahayd mid aad loo sugayey. Waxa ay ku bilaaban tahay weerar iyo weerar celis. Maadama oo kulanku ahaa midka koobku ku xidhan yahay, koox kasta waxay awood saartay inay noqoto ta ku horeysay goolka. Weeraryahanada labada kooxood ayaa cadaadis xoog leh saarey difaaca iyo iyagna aan dab yar shideyn. Buuqa iyo sawaxanaka ka yeedhayey taageerayaasha ayaa isna wax ku kordhiyey xiisaha ciyaarta. Daqiiqadii 14aad ee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka dhexda ka ciyaara ee Inieste gool u saxeexay kooxdiisa Barcelona. Goolkaas oo uu ka soo shaqeeyay laacibka weyn ee Messi ayaa ahaa mid Ineiste iyo goolayuhu banana iskula baxeen. Wax yar kadib kooxda Real Madrid ayaa dedaal kadib keentay goolkii barbaraha ahaa, waxana saxeexay laacibka reer Real Madrid ee Ronaldo daqiiqadii 20aad ee qaybtii hore ee ciyaarta. Ciyaarta ayaa kululaatay koox kastana waxa ay ku dedaashay inay goolka dheeriga ah keento. Daqiiqadii 45aad ee ciyaarta ayaa Lionel Messi oo ay aad ugu fududahay inuu ka dhaliyo goolka uu horjoogaha ka yahay goolhaye Casilus gool qurux badan shabaga ku hubsaday. Waxna qaybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-1ay hogaanka ku hayso kooxda Barcelona. Qaybtii dambe ee ciyaarta markii la isku soo nqoday ee koox kastaana la soo tashatay macalinkeeda ayaa fooda la isadaray. Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay goolkii barbaraha  waxana saxeexay Karim Benzema. Markii ciyaarta wax yar ka hadhsaneyd ayaa laacibka duninda ee Lionel Messi shabaka kooxda Real ku hubsaday gool kale oo u quus gooyey. Waxana ciyaartii ku soo gabagabooday 3-2 guushu ku raacday Barcelona. Koobkan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa tababare Guardiola. Waaa koobkii 11aad ee uu qaado mudo sadex sanadood gudahood ah. Waxa uu dhaafey rikoodhkii uu dhigey macalinkiisii John Cyruff, oo kooxda Barcelona u qaadey 10koob mudo 8 sanadood kugadhooda. Waxa xusid mudan in kulanka markii uu dhamaanayey ciyaaryahano badan isku farasaareen. Taas oo keetnay in kaadhak cas loo taago laacibiinta Marcelon iyo Ozil.