Maxaad Ka Fahanstahayay Macnaha Dimuqraadiyada?

1
2115

 

 

Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Islaamku waa tooshka nolosha waayo Rabbi waxa uu Quraanka ku yidhi “qofka Ilaahay laabtiisa u ballaadhiyo Islaamka waxa uu ku suganyahay nuur xagga Rabbigii uga yimid”. Haddii aad aayaddan u fiirsato waxa kaaga dhex muuqanaya in Islaamnimadu aanay ahayn oo kaliya in qofku afka kaga dhawaaqo kalmadda tawxiidka balse ay u baahantahay in qofka qalbigiisa uu dego taasna micnaheedu waxa uu noqonayaa in qofku diintiisa barto oo fahmo kuna dhaqmo; waa taa ballaadhinta laabta ee la sheegayaa, waafajintana Ilaahay ayaa iska leh.

Qofka marka intaa laga helo waxa uu helayaa nuur uu wixii xaq ah ku garto wixii baadil ahna kaga baydho. Haddaba dunidan hadda aynu ku noolnahay waxa ka taagan loolan iyo hirdan afkaareed oo badankoodu salka ku hayaan mabda’ ama diin. Waxa aynu wada ognahay oo Ilaahay inoo sheegay in dadku imtixaan ku jiraan oon lagu daynayn iimaan kaliya oo ay la yimaadeen. Imtixaanka waxa ka mid ah in marar badan aad la kulanto falsafado iyo mabaadi’ meelo kale kaaga yimaadda oo ay adkaato inaad kala garanwaydo arinkani Islaamka miyuu waafaqsanyahay mise waa ku lidi! Taana waxa sabab u ah diinteennii suubbanayd oo aynaan aqoon fiican u lahayn iskuna hawlin inaynu baranno.

Araartaa kadib, waxa aan jeclaystay bal in aan walaalaha la wadaaggo bahashan dimuqraadiyadda la yidhaa ee inna dhega barjaysay hadh iyo habeenna aynu ku hadaaqno waxa ay tahay. Macnaheedu muxuu yahay? Mabaadi’da Islaamka miyay waafaqsantahay?  Maxayse kaga duwantahay nidaamka Islaamiga ah ee loo yaqaan shuurada?

Waa maxay dimuqraadiyadi?

Waxa aynu odhankarnaa waxa ay leedahay laba macne oo mid ka asalka ah yahay ka kalena yahay mid la huwinayo oo lagu qurxiyo. Ereyga dimuqraadiyad “democracy” waxa uu ka yimid ereyo laatiin ah oo kala ah “DEMOS” oo macnihiisu yahay dadka/shacabka badankooda iyo “KRATA” oo macnihiisu yahay xukunka. Labadan erey markii la isu geeyay waxa soo baxay macnaha ay dimuqraadiyaddu leedahay oo ah xukunka dadka ayaa iska leh ama si kale haddii aynu u dhigno awoodda ugu sarraysa shacabka ayaa iska leh.

Akhriste, awoodda ugu sarraysa ee dawladda in dadku/shacabku iska leeyihiin Islaamku ma qabaa?! Jawaabtu waa maya oo far waawayn ku qoran. Awoodda ugu sarraysa waxa iska leh Ilaahay . Halkaa waxa kaaga caddaaday in Islaamka iyo dimuqraadiyaddu mabda’ ahaan kala fogyihiin.

Macnaha labaad ee ah ka lagu asturo oo inta badan aynu ka dhegaysanno warbaahinta iyo afka gadhwadeennada dimuqraadiyadda ayaa ah in dimuqraadiyaddu tahay in muwaadiniintu ka qaybqaataan maamulka, in xorriyad dhaqaale jirto, in xuquuqal insaanka la ilaaliyo, hanaan siyaasadeed oo firfircooni inuu jiro, xisbiyo siyaasadeed inay jiraan, doorashooyin xor ah oo xalaal ah in la qabto IWM. Arinta noocan ah ee lagu macneeyo in dimuqraadiyaddu tahay isla markaana lagu asturayo mabda’a rasmiga ah ee ay xanbaarsatahay waa mid iyada qudheeda sideeda aan loo qaadankarin ee u baahan in si qoto dheer loo fasiro oo loo caddeeyo.

 

Maxaa u dhexeeya dimuqraadiyadda iyo shuurada?

 

Dad badan oo Muslimiin ah ayaa ku dhex muquurta arintan oo kala garanwaaya dimuqraadiyadda Islaamka liddiga ku ah iyo shuurada Islaamku ogolyahay. Iskaba daaye, dad culimo ay ka mid yihiin ayaaba ku dooda in dimuqraadiyadduba Islaamka ka timi oo aynu innagu dhaxal u leenahay waayobay yidhaahdeen dee waxa la inoo jideeyay shuurada oo ah hab dimuqraadiyadeed. Waa hadal aad u quruxbadan laakiin xaqiiqada ka fog saxna aan ahayn.

Shuurada Islaamku wuu banneeyay laakiin shuruud ayaa ku xidhan. Bal hadda arimahan u fiirso.

Islaamku waxa uu ogolyahay in laga shuureeyo arimaha dhacdooyinka cusub ah ee aan wax daliil ah loo helin halka dimuqraadiyaddu tahay in wax kasta dadka loosoo bandhigo ama diintu ha ogoshahay ama ha diidantahaye kadib doonistaa dadka ayaa la qaadanayaa

Shuurada marka laga hadlayo, madaxwaynaha Muslimiintu ikhtiyaarka isagaa iska leh in uu ra’yiga loo badanyahay qaato iyo in uu ka laga tirada badanyahay qaato. Qasab maaha in aqlabiyadda (majority) la qaato, halka dimuqraadiyaddu tahay in mar walba la tixagliyo aqlabiyadda ama tirada badan

Arimahaas oo dhami waxa ay inoo muujinayaan in Islaamka iyo dimuqraadiyaddan la rabo in la isku tolo aanay wada jaanqaadi karin. Waxa kale oo iyana daruuri ah in dadka Muslimiinta ahi aqoon xeeldheer u yeeshaan mabaadi’da aasaasiga ah ee diintooda barakaysan waayo diintu waa manhajka iyo tooshka nolosha.

Allaa Mahad leh.

Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Email: abdirahman_hn@hotmail.com

 

Comments are closed.