Madaxweynaha Ereteriya Oo Is Difaac Ka Galay Inuu Taageero Al-Shabaab

0
987

 

eriMadaxweynaha Ereteriya Issais Afawerki ayaa beeniyay eedaymo dalkiisa loogu jeediyo inuu taageero kooxda Al-Shabaab iyo weliba inuu ka dambeeyay isku day fashilmay oo lagu doonayay in lagu qarxiyo shirkii u dambeeyay ee Madaxweynayaasha Afrika.

 

Madaxweynaha Ereteriya oo booqasho maalmo qaadatay ku tagay dalka Yugaandha, ayaa markii u horaysay saxaafadda la hadlay, “Waxa murugo ah in beenahan la dhoodhoobay ay wada faafeen.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Ereteriya oo socdaalkiisau saddex maalmood qaatay, waxaanu intaas raaciyay, “Ma doonayo inaan Al-Shabaab ka hadlo, sababtoo ah maskaxdaada ayaad ka keentay. Somaliya maaha Shabaab.” Waxaanu sheegay inay Al-Shabaab ka mid tahay dhibaatooyinka Somaliya, “Al-Shabaab waxay u shaqaynaysaa danaha kuwa doonaya inay Somaliya ku sii jirto kala googo’o.”

Madaxweynaha Yugaadnaha Yuweri Musafeni ayaa isna sheegay inuu rumaysanayo hadalka Madaxweynaha Ereteriya uu u sheegay ee ah inaanu taageerin Al-Shabaab, “Ereteriya ma taageerayso Al-Shabaab, waanan aqbalay sidaas waayo wuu ii sheegay.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Yugaandha.