Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Xisbiyada Somaliland Oo Jabay

0
1609

Hargeysa(Geeska)-Mooshin lagu dhimaayay wakhtiga ruqsada ay haysanayaan xisbiyada qaranka oo toban sano ahayd kaas oo loo gudbiyay fadhiga mudanayaasha golaha guurtida lana doonayay in lagu soo ururiyo muddo shan sano ah ayaa jabay kadib markii 11 xildhibaan oo saxeexay ay saddex dib uga noqdeen.

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa golaha amray in mooshinka cusub laga hor akhriyo, waxaana intaas kadib mooshinkaas dib uga labatay saddex ka mid ah xildhibaanadii marka hore saxeexay, waxaana guddoomiyahu ugu danbayntii uu ku dhawaaqay In moshinkaasi uu jabay.

Guddoomiye Saleebaan oo jabitaanka mooshinkan ka hadlaayay wax uu yidhi “Raga ka baxay maxay markii hore u doobyayeen, saddex nin ayaa dib uga gurtay mooshinkii sidaas ayuu ku jabay, waxba kama jiraan weeye, taasina halkaas ayay ku dhamaatay.”

Xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ayaa si midaysan uga qaliyay mooshinkan oo ay xukuumada ku eedeeyeen inay dabada ka riixayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here