“In La Sii Xoojiyo Midnimada Iyo Wanaaga Umadda Somaliland Ayaa Muhiim Ah”

0
1229

Axmed Xaaji Cali Cadami

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandihga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, khilaafka Xisbiyada ee ku saabsan dib u dhaca Doorashooyinka, muddo kordhinta la filayo in loo sameeyo Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashandihga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Doorashada“In la sii xoojiyo midnimada iyo wanaaga umadda Somaliland ayaa muhiim ah, xumaanta iyo wanaaguna shaqo iskuma laha, caydh baan ahay iyo xoolo ayaan leeyahayna wey kala duwan yihiin, dhinaca wanaagsan haddii wax laga eegayana waa la garanayaa, waana wax cad, laakiin haddii danta laga doorbido, oo nin waliba dantiisa khaaska ah ka doorbido, waa dhibaato, wanaaga iyo xumaantuna midabo ayey kala leeyihiin, oo isku mid maaha, Doorashada haddii aynu qabsan karayno oo aynu diyaar u nahay, oo meel la isla dhigay, oo la isla og yahay waa caadi, ee ha la qabto, haddii caqabado hor taagani jiraan, oo aan hadda la qaban karina, waa in xal laga gaadha, Ninka dantiisa khaaska ah eegaya, ee leh inaan Mushaharka iska qaato ayey dani igu jirta, waa wax ina soo maray, oo inaguma cusba, ninka danta umadda eegaya ee leh waanu hawl-galaynaa oo hore ayaanu u qabanaynaa Doorashooyinka, waa la arki jiray waana sida la rabo, balse haddii la waayo cidda eeda leh, baa gabood fal sameeysay dantii umadda, taariikhda ayaana qoraysa”.

Caddami mar uu baaq u dirayey Guurtida ayaa yidhi “Siday u muuqato dadka aqbalabiyadiisuna garanaayo in Doorashadu dib u dhacayso, haddii aad tidhaahdo ninka indhaha leh iyo ninka indhaha la’a ka warama, waxaa lagugu jawaabaya laba la isbarbar dhigo maaha, ee cidda shaqadeeda leh ayey taariikhdu kala xisaabtami doontaa, Doorashada qabashadeedu waa sharci, oo dad masuuliyiin qarana ah ayey saaran tahay, ee Shacabku inuu walaac ka muujiyo maaha. inuu wanaag ka muujiyo mooye, xilkana waa la kala leeyahay, ee haddii la yidhaahdo sidaas ayey u dhacday,oo fursad baa noo dhacdaye oo waa nasiibkayaga ma wacna, haddii laga daba tagana waa la lad-qabayn karayaa, cidda ay u talaana waa la og yahay, haddii se la yidhaahdo maxaa xal ah oo raali laga wada yahayna, waa arin wanaagsan, oo meesha ku jira”

Caddami mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliya inaynu kala ahaano sideenaa aynu hadda kala nahay oo aynu ku kala faatixaysano, iyo inay Somaliland iyo Somaliya u wada hadalno, oo wada hadaladii dib loo soo celiyo, ayey miduun noqonaysaa, wey fiican tahay in wada hadaladii dib loo soo celiyo, haddii ay Dawladda Somaliya diyaar u tahay wada hadalada, waa mid caadiya, balse waxaanu uga digaynaa mar walba Somaliya mashaqada iyo mushaakilka in aanay Somaliland ula iman, haddii aanay wada hadal diyaar u ahayn, daacadna ka ahayan, Somaliya haddii ay doonayso in aanu kala ahaano laba dal oo jaar ah ,oo iskaashi iyo walaaltinimo dhexmarto diyaar ayaanu u nahay, balse haddii ay doonayso inay ka hor timaado madax banaanida Somaliland, waxaanu leenahay wanaag dhexdeena iman maayo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here