Xildhibaanm Cabdiraxmaanm Xoog Oo Qirtay Inuu Marwo Foosiya La Kulmay, Balse Sheegay Inaanu Somaliya La Shaqayn

0
531

 

435 - CopyHargaysa( Geeska )- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), ayaa daboolka ka qaaday inay ku kulmeen madaarka Berbera wasiirka arimaha dibada Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanu si aan ka gabasho lahayn xildhibaanku u sheegay inuu Foosiya ku marti qaaday qado hotel Xeebsoor ee magaalada Berbera inkasta oo Foosiya ay qadadaas ka gaabsatay.

 

Xildhibaan Cabdirtaxmaan xoog waxa uu sidan ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayay aqalka golaha wakiilada, isaga oo daba socda war uu Wargeyska Haatuf qoray oo uu ku soo bandhigay inuu xildhibaanku la kulmay Marwo Foosiya, islamarkaana uu xidhiidh la leeyahay dawladda Somaliya. Xildhibaanku wuxuu ku dooday in isku furan  dhanka siyaasada ah uu maanta jiro oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya, taas oo uu ku eedeeyay xukuumadan madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxaana hadalka xildhibaan Xoog uu daaha ka faydayaa hoos u dhaca ku yimi hoggaankii dalka.

Ugu horayntii isaga oo xildhibaanku xukuumada ku eedaynaaya xidhiidhka ay la leedahay Soamaliya waxa uu yidhi “ Foosiya waxa magacaabay madaxweyne iyo raysal wasaare ay xukuumadani hanbalyaysay, oo ay yidhaahdeen wada shaqayn ayaa naga dhaxaysa iyo xidhiidh is gaadhsiineed oo ay yidhaahdeen waxaanu doonaynay qof anaga noo ilka qabaw, maantaba waataase ka xaab xaabi.Somaliya xidhiidhkeeda iyo la hadalkeeda xukuumada ayaanu u dhiibanay, hasa yeeshee waxaad arkaysaan inay meel cidlo ah ay dhigeen siyaasadii arimaha dibada  oo wasiiradii xukuumadu ay kala hadlayaan.”

Xildhibaan Xoog oo ka hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “ Hadalkan ay jariiradu qortay waa mid aan sal iyo raad toon lahayn oo Somaliya lama shaqeeyo, laakiin  Foosiya Yuusf Xaaji Aadan ilmaadeer ayaanu nahay, wasiiro ka badan oo qaar ay yidhaahdeen markii Somaliya magacaabaysay xisbiga Kulmiye ayaa halkan iga diray ayaa jiray ee kuwaas maxaa loog hadli waayay, kuwa jagadan soo qabtay ee Sifir ka mid ahaa ee wasiir arimaha dibada iyo raysal wasaare ku xigeenkaba ah ee halkan yimi ee madaxtooyada lagu casuumay hadana xilka loo dhiibay maxay uga hadli waayeen, arintaasi waxay kala fogaynaysaa isku duubinada iyo midnimada Somaliland.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), oo warbaahintu waydiisay inuu la kulmay wasiirka arimaha dibada ee Somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa si cad u yidhi “ Wasiirka diyaarada waan kula kulmay oo waan salaamay, waxaanan ku idhi soo deg wasiir aan Xeebsoor ku geeyo oo aad soo qadayside, gabadh aad ilmaadeer tahiin oo kuugu timi madaar waxaad odhanaysaa kaalay shaahee ama kaalay soo qadee, madaxda Somaliland iyo kuwa Somaliyana waa ay kulmaan oo hudheelada waawayn ayay ku kulmaan.”