Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Bulshada Caalamka Xog Ka Siiso Nabadgelyada Somaliland

1
937

 

cirokkHargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha golaha wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Ciro ), ayaa warkii ka soo baxay dawlada Ingiriiska ku tilmaamay mid naxdin mudan, waxaanu sheegay in wakhtigan ay Somaliland xasiloontahay oo aanay ka jirin wax nabad gelyo daro ah.

Sida oo kale waxa uu gudoomiye Ciro xukuumada ku dhaliilay inay ka gaabisay inay war ka siiso amaanka dalka safaaradaha dalalka Somaliland la saaxiibka ah, ugu danbayntiina gudoomiye Ciro waxa uu talooyin u soo jeediyay shacbiga Somaliland iyo xukuumada.

Waxaanu sidaas ku sheegay gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro mar uu shalay warbaahinta la hadlaayay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxaynu ka war qabnay in is kaashi dhinacyo badan ah uu inaga dhaxeeyay Ingiriiska, labaatankii sanadood ee ugu danbeeyay Somaliland warka ay bulshada caalamku ka baxinaysay wadamada jaarka aynu nahay ay ka baxinayeen, wakaaladaha wararku ay ka baxinayeen waxay ahayd wadan nabdoon oo xasiloon, warkaasi waxa uu ka soo horjeedaa labaatankii sanadood warkii laynaga fidinaayay, runtiina war lagu farxo maaha ee waa war laga naxo. Guud ahaan Somaliland waa aynu wada joognaa oo waa aynu ku wada noolnahay nabadgalyo daro maanta ka jirta oo muuqataana  ma jirto,Waxaanay u eegtahay cabsi wax soo socda laga baqaayo.”

Gudoomiye Ciro oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi “Markaas  fariimo ayaan jeclahay inaan halkan ka gudbiyo mid waxaan u gudbinayaa shacbiga reer Somaliland waxaa maanta laga sii baqayaa waa inay nabadgalyo xumo ka jirto Somaliland  argagaxiso ama wax kale waxaan u malaynayaa inay tahay waajib ina saaran in aynu nabadgalayda u xaqiijino oo kalsoonidii mujtamaca caalamka aynu soo cesheno, waa waajib ina wada saaran.”

Ugu danbayntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday “ Midna mijtamaca caalamka ayaan u sheegayaa oo waxa weeye maanta Somaliland intaan aragno ee noo muuqataa waa xasiloontahay oo nabad galyo ayaa ka jirta, fariinta ugu danbaysana xukuumada yaan u so jeedinayaa, waxa weeye xukuumada waajibkeedu inay arimaha nabadgalayda mar kasta xog ka siiso halkay marayso Safaaradaha, dadka aynu xidhiidhka leenahay, waxaanad mooda inuu halkaas gaabis ka jiro, waxaynu u baahanahay in aynu soo celino  kalsoonidii bulshada caalamka oo aynu ka saarno baqdinta, dawlada ingiriiska iyo dawladaha kaleba inay cabsoodaan ama ay wax dareemaan xaqbay u leeyahiin, laakiin iyaga laftigooda waxaynu u sheegaynaa intaanay warka faafin inay wararka ka xaqiijiyaan Somaliland, shacbigana waxaynu leenahay aynu nabad galyadeena ilaashano, mujtamaca dawligaana waxaanu leenahay nabadgalyo iyo xasilooni ayaa ka jirta Somaliland.”

Comments are closed.