Milicsiga Waraysi Uu 1994 Dr. Maxamed-Rashiid Ka Qaaday Gen. Maxamed Faarax Caydiid

0
547

Qaybtii 7aad

Xaga siyaasada diyaar miyaad ugu tahay sida milatarinimada aad ugu diyaarsantahay,adiga oo og Soomaalida dhibaatadeeda,qabiilkeeda iyo qaybteeda?

Sidaan cilmiga milatariga ubartay ayaan aqoontayda xaga cilmiga kale ay aad ugu wanaagsan tahay,iskuna faani maayo waan bartay,waxaan isku taxaluujin jiray waligay inaan aqoon korodhsado.dhinaca siyaasadna halgankii aanu soo galnay waxa uu ahaa dagaal siyaasadeed oo hubaysan isagiina hada guulbaanu ka gaadhanay oo waad arkaysaa,waxayna ila tahay hadii ay umaddaydu raali ka noqoto anigu inaan ugu sii adeego inaan u qabto jago siyaasadeed,inaan anigu raali ka noqonaayo oo aan naftayda iyo aqoontaydaba waxaan u huray dadkeena Soomaaliyeed,markaas kaalintayda diyaar baan u ahay kaalintay iigu talo galaan inaan ka qaato.

Hada dalkiibaad u anbabaxaysaa qodabada ugu waaeyn ee aad qaban doonta ee ku hor yaalaa waa-maxay?

Markaan dalka ku noqdo waxa mar kasta ii caado ah inaan umadda la hadlo oo aan warbixin siiyo, oo hada intaan  maqnaa waxii aan qabtay intay xogagaal u yahiin mooyaane inaan ogaysiiyo,taas waan ku dhaqaaqi doonaa markaan ka dego Xamarba.mida labaad waxa weeye oo aan dadka kula talinayaa iniguna aan doonayaa inaan ku dhaqaaqo in hadaanu nay Soomaali inaan ku guulaysano in dalkaygu aanu nabad buuxda ka dhalino,waayo meel aanay nabadi jirin horumarna ka dhalan maayo siyaasaduna degimayso,mida kale waxa weeye arimaha siyaasada ee ilaa iyo hada aanu soo dhiraan dhirinaynay ee hada meel fiican maraaya,inaan ku guulaysano oo dawlad umaddu ay raali ka noqoto oo cid waliba ay ka qayb gasho oo si miisaaman oo cilmiyaysan loo dhiso.

Taasi waxay noo keenaysaa dalkayagii sharafkiisa inaan la wareegno oo hogaansano  iyo inaan u hawlgalno si looga soo kabto dhibaatadii dhacday wakhtiyadii xukuumadaha kala duwan ay dalka soo-xukumaayeen,waxaana lagaga soo kaban karaa oo kaliyaata iyada oo ay umadda Soomaaliyeed isku niyad ahaato oo gacmaha is qabsato, shaqo lixaad lehana  ay u soo diyaar garawdo, oo dadka wacyigalinta dawladu ay soo jeediso markay dhalato sidii ay u fulin lahayd ay qabto,iyaguna si xoog leh uga shaqeeyaan khayaraadka dalkooda oo ay wax u soo saari laahyeen,mucaawinooyinka ay dalalka deeqada bixyaa ay siindoonaan si wanaagsan loogu gaadhsiiyo gobalada iyo degmooyinka,oo lagu dhaqaaqo hawl  wax soo saar,horumar iyo dibu dhis iyo dib u dhaqan celin,dadka dibada jira ee qaxoontiga ku ah dalalka jaarka ah barnaamij lagu dajiyo in la dajiyo oo dadkii dalka lagu soo celiyo,waliba waxaan ku baaqay dadka aqoon yahanada ah ee Soomaalida ah ee dunida ku filiqsan inay dalkii ku soo noqdaan waayo dalkii waxa uu ubaan yahay dub u dhisid,dib u dhisiduna waxay ubaahan tahay cilmi iyo farsano.

Mujaahidiintii halganka soo gashay oo dadkii soo halgamay waxaan kula talinayaa inay dadka mideeyaan, iyaguna halganka halkoodii kasii wadaan,oo maanta midkii siyaasadeed ayaa nala soo gudboonaadaye sidaan ugu guulaysanay kii ciidanka inay ugu guulaystaan.

Dagaalkaad soo gashay waxaad is leedahay allaylee hadaad sidaas samayn lahayd ma dheeraadeen,waxaad is leedahay waxaasaad gaftay oo aad iisheegi kartaa ma jiraan?

Halgankan aan soo galnay sidan uu hada ku dhacay waa dheeraaday oo waa run, sababtuna waxa weeye farogalin shisheeye iyo dad ka soo hor jeestay inuu halganku hirgalo, oo umadda Soomaaliyeed doonayay in aanay dhibta ka bixin taas ayaa dhererka keentay,ha yeshee waxii dhacay way dhacee waxaan u malaynayaa in aan maanta loo haanayan in waxii la soo maray aanu ka shalayno,waayo waxay ahayd waxaan u badheedhnay oo  umadda Soomaaliyeed aanu ugu danaynaynay,waanad ogtahay xornimada iyo sharafka iyo difaaciisa qiimo kasta hakuugu kaceen oo waqti-kasta ha ku kaceene waa loo maraa.

Waad ogtahayoo markaan eegno dalalka Yurub dagaalkii dhex mari jiray ee gudahooda waxaad maqlaysa dagaalkii tobanka sano dagaalkii sodanka sano iyo midkii boqolka sanaba,Maraykanka hadaan eegno dagaalo sokeeye ayaa ka dhex dhacay xornimada waxay u dagaalamayeen wakhti badan,markaas dalal badan ayaa soo maray,halganka darsi ayaa lagu qaadnayaa waxa lagu halgamayaa haday tahay in Somaliya mustaqbalkeeda la wanaajiyana markaas waxaan ka shalaynaynaa oo aan is leeyahay waad ka shalaynaysaa ma jirto,sidaan halganka u aaminsanaa ayaan u aaminsanahay ilaa iyo intaan noolahay,dadka Soomaalyeedna raali ka yahay inaan u adeego.

 La soco….