Muwaadin Cabasho Ka Muujiyay Waddo Hor Marta Oo Xidhan, Farriina U Diray Maayarka

1
655

Hargeysa(Geeska)-Xasan Maxamed Yuusuf (Good) oo ah Muwaadin Degan Caasimada Hargeisa, gaar ahaan Xaafada Idaacada agagaarka Suuqa Gobonimo ayaa cabasho balaadhan ka muujiyay Waddo hor marta oo xidhan, taas oo dhib fara baddan ku haysa guud ahaanba dadweynaha degan halkaasi.

Ninkan Muwaadinka ah oo Meherad halkaas ay uga furan yahay ayaa sheegay in Waddadan hor martaa ee xidhani ay isaga iyo dadka la jaarkaba ah ay ka hor istaagtay waxyaabo baddan oo ay qabsan lahaayeen, isagoo sidoo kale xusay in Maayarka Caasimadu uu u Waraaq Fulin ah oo Waddadaasi lagu baneeyo u soo qoray maadaama halkaasi uu xashiish baddani uu ka buuxsamay ayna tahay Waddo dariiq ah oo la maro, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa  “Waxaan halkan ku leeyahay Meherad Xamaam ah kolkaa Waddadii way naga xidhan tahay oo Meherad Jiingad ah ayaa taala, Maayarka markii aanu uga dacwoonay ilaa toban jeer bishii Febraury ayaan Maayarka u tegay anigu ilaa saddex jeer Fulin ayuu soo qoray qolada Waaxda 26-ka June, arintiisi waxba kama fulin sidii uun bay u taagan tahay sababtiina waxaan ogaaday shalay markii aanu ninkaasi is qabsanay ee uu furi waayay uu waxaa noo yimid nin Xildhibaan ah oo Xasan Shahar la yidhaahdo, Xasan Shahar halkan ayuu istaagay Jiingadaa waddada taala ayuu eegay markaasu yidhi adigu Xamaamkaaga xidh Jiingadaasi way oolaysaaye kolkaas halka ay wax ka socon laayihiin waxaan u gartay inay halkaas ay tahay”.

Muwaadinkan ayaa xusay in Banaynta Waddadan uu hor-taagan yahay Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada “Waxaa hor-taagan banaynta Waddadan Xildhibaanka la yidhaahdo Xasan Shahar oo ninka meesha Sandaqada ku shaqaystaa malaha ninbaa ka kireeyay ninkaa iyo Xasan Shaharna waa Ilmaadeer, markaana inuu ninkaasi hortaagan yahay ayaa muuqata oo ninkaa Inaadeerkii ah ee Waddada kiraystay uu ku difaacayo ayay noqotay, ana waxaan u cadilanahay Booyadu dugsigaa Biyo Dhacay dayrkiisa ayay ii soo martaa oo tuunbo dheeraada lacagteeda la i xisaabinayo oo ay lacag dheeraada igu socoto, maaha keligay dhibta Waddadan xidhanay ay leedahay dad baddan ayaa halkan degan oo Xaafado ah ma jirto meel loo soo maro oo haddii Geeri ay dhacdo lama helayo meel uu Baabuurkii u soo maro Xaafadaha” ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf (Good). Ugu dambayntii wuxuu Muwaadinkani Baaq u diray Wasiirka Arrimaha Guddaha, Maayarka Caasimada iyo Guud ahaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada, isagoo ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha baddan ay wax uga qabtaan Waddadan xidhan oo dhib weyn ku haysa Bulshada degan “Waxaan Maayarka Caasimada leeyahay Maayar waraaqdii aad soo qortay ee ahayd in Waddadan la baneeyo waxay ahayd inaad ka daba tagtid oo aad ogaatid sababta ay u fuli wayday, waxaanu bixinaa cashuur walba oo nagu waajibtay, markaas maaha wixii aanu xaqa u lahayn in naloo qabto in la qaban waayo, waxaanan rajaynayaa in baaqayaga sida ugu dhakhsaha baddan wax looga qabto” ayuu hadalkiisi ku soo gaba-gabeeyay Xasan Maxamed Yuusuf (Good).

Comments are closed.