Sucuudiga Oo Diiday Kursi Laga Siiyay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

32
583

New-york (Geeska) – Boqortooyada Sucuudiga Carabiya ayaa diidey in ay qaataan kursi laga siiyey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo maalintii Khamiistii shan dal oo Sucuudigu ka mid yahay loo gartey in sanadka cusub ee 2014 ay xubno ka noqdaan 15-ka dal ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ka kooban yahay, Kursiga la siiyey Sucuudiga ayey fadhiyi lahaayeen labada sano ee soo socota.

Sucuudiga ayaa sheegaya in diidmada ay diideen kursigan ay ku xanbaartey ka dib markii Golaha Amaanku waayey wax xal ah oo ay ku joojin karaan dalalka dagaaladu ka socdaan. Sucuudiga ayaa ku tilmaamey dalalka awoodda leh in ay yihiin laba wejiilayaal.

Dalka Sucuudi Carabiya ayaa Golaha Amaanka ku canbaareeyey in ayna waxba ka qaban dagaalka daba dheeraadey ee dalka Suuriya, kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 100, 000 kun oo qof.

Waa markii u horeysey ee dal loo doorto in ay ka mid noqdaan xubnaha aan joogtada ahayn ee Qaramada Midobey uu dib u soo celiyo kursigaas.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee laga gooyo go’aamada muhimka ah waxaa ku jira 15 dal, 10 dal oo ka mid ah waxay kuwo aan rasmi ahayn, halka dalalka Maraykanka, Boqortooyinka Midoobey (UK), Ruushka, Shiinaha iyo Faransiisku ay yihiin kuwo joogto ah isla amrkaana leh codka diidmada qayaxan.

Comments are closed.