Milicsiga Khudbadihii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Difaaci Jiray Golaha Wakiilada, Waagii Uu Mucaaradka Ahaa

0
540

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shalay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay farogelin ku hayso aqalka golaha wakiilada Somaliland.

Mr. Cirro, oo shalay dalka ku soo laabta wuxuu yidhi “Golaha Wakiiladu intii ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo marna dagaal lamuu galin haddana dagaal kulama jiro farriinta labaad, waxaa soo if baxay oo si qaawan u muuqday in xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada Somaliland gacanta kula jirto.”

Haddaba, akhriste markaad dib u milicsato taariikhda, waxa kaaf iyo kala dheeri ah farogelinta maanta la soo sheegayo inuu Madaxweyne Siilaanyo ku hayo golaha wakiilada, sababtoo ah wakhtiyadii uu mucaaradka ahaa wuxuu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku eedayn jiray inuu farogelin ku hayo golaha wakiilada, taas oo uu ku tilmaami jiray sharci darro. Tusaale ahaan mid ka mid ah maalmihii ay sida adag iskaga horyimaadeen Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo shirguddoonka golaha wakiladu, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay khudbad, isagoo wakhtigaas ahaa hoggaamiyihii xisbgia KULMIYE, waxaanu yidhi “Shacaboow Waad aragtaan Waxa uu Daahir Rayaale ku Samaynayo Golihii Wakiilada ee Codka Dadweynaha Sidiisa oo kale ku Yimid,Waa kaas Qufulka Ku Jebiyay, Waa taas Xildhibaanadii loo diidan yahay inay Xaruntooda galaan, Waa taas Shirgudoonkii oo ah Hab Maamuuskii Qaranka Xafiiskooda Ciidan loo dhigay,Waa taas dadkii Mudaharaadka Salmiga dhigayay Xabada lala dhacayo ee Weliba intii soo hadhay Xabsiyada lagu Gurayo Arrintaas iyada ah anagu diidnay baan leenahay dalku meel xun buu marayaa waa in Shacabku ka dagaalamaa oo iska celiyaa.”

Khudbad sannadeedkii Madaxweyne Siilaanyo ee sannadkii 2011 oo ahayd markii uu wakhti dhawr bilood ah xilka hayay, wuxuu ku yidhi sidan “Waxaa hubaal ah in mudadii golahani shaqaynayey uu kala kulmay xukuumadii iga horaysay jawi cakiran oo dabartay shaqadiisii, balse sidii aan kalhore halkan idinkaga codsaday wada shaqayn iyo iskaashi, waxaan qirayaa inaan ka helay gacan buuxda iyo wada shaqayn fiican, waxaana sanadkan aan usoo gudbiyey golayaasha 24 Xeer oo ay ansaxday lana dhaqangeliyay 12 xeer oo ka mid ah, waxaanan goloyaasha uga mahad-celinayaa wada-shaqaynta fiican ee ay ii muujiyeen, waxaan leeyahay, aad-baad ugu mahadsantihiin.”

Haddaba, miyaanay ayaan darro ahayn in Madaxweyne Siilaanyo maanta lagu eedeeyo inuu ku talaabsaday farogelin uu ku samaynayo golaha wakiilada, taas oo si toos ah uga soo horjeeda labadan khudbadood ee kor ka muuqda iyo kuwo kale oo badan oo uu ku difaaci jiray golaha wakiilada iyo madaxbanaanidooda.

Si kastaba ha ahaate, waxa hadda uu dagaal siyaasadeed ka socdaa golaha wakiilada, kaas oo u dhexeeya madaxtooyada Somaliland iyo guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana la eegayaa bal halka uu sal dhigto iyo cidda ay guushu raaci doonto.