Cirro Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Faraha Kala Baxdo Golaha Wakiilada

0
544

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo dalka ku soo laabtay ayaa xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo arimaha golaha wakiilada, isla markaasna ku mushquusho arrimaha qaranku u igmaday.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo safar gaaban oo uu ku tagay dalka Itoobiya ka soo laabatay,waxa uu xildhibaanada ugu baaqay inay ilaashadaan sharata golaha iyo mida qaranka labadaba.Waxaanu sidan ugu sheegay warbaahinta madaarka Cigaal oo uu ka soo degay waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi “Waxaan jecelahay laba ama saddex fariimood in aan shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyo farriinta kowaad, waxaa weeye Golaha Wakiiladu intii ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo marna dagaal lamuu galin haddana dagaal kulama jiro, fariinta labaad waxaa soo if baxay oo si qaawan u muuqday in xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada Somaliland gacanta kula jirto, fariinta saddexaad waxaan kula talinayaa xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah golaha wakiilada oo ay ku mashquusho arrimaha qaranku u igmaday,fariinta afraad waxaan salaamayaa mudaneyaasha golaha wakiilada meelkastoo ay joogaan rag iyo dumarba waxaanan ku kalsoonahay mudaneyaashu in ay sharaftooda iyo sharafta qaranka ilaalin doonaan.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti maanta golaha wakiilada laga saadaalinayo inay madaxtooyadu ka bilaabi doonto dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.