Dagaalkii Siyaasadeed Ee Ugu Adkaa Oo Maanta Golaha Wakiilada Ku Dhex Maraya Madaxtooyada Iyo Cabdiraxmaan Cirro Maaganyahay

0
578

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dagaalkii siyaasadeed ee  ugu adkaa ayaa la filayaa inuu maanta ka dhex qarxo xukuumadda Somaliland iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ka dib markii ay madaxtooyada Somaliland si aloosan u soo qorshaysay weerar ay kaga daba tagayso go’aankii ay golaha wakiiladu wax ka bedelka ku sameeyeen xeer hoosaadka golaha wakiilada.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada ayaa la filayaa inay mudanayaasha taageersan xukuumadda Somaliland, soo dhigaan mooshin ay ku dalbanayaan in xil ka qaadista guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) laga dhigo 42 cod, halka ay hore uga ahayd 55 cod, si ay isku cod u noqdaan labada guddoomiye xigeen [Baashe Maxamed iyo Cali Yuusuf] oo uu wax ka bedelka xeerku ku jideeyay in xilka lagaga qaadi karo 42 cod, halka markii hore ay kala tiro ahaayeen guddoomiyaha.

Garabka xildhibaanada ah ee la safan guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa la filayaa inay iyaguna soo dhigaan mooshin kale oo ay xilka kaga qaadayaan labada guddoomiye xigeen ee Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed, waana sida muuqata mooshin jawaab u ah mooshinkan kale ee ay xildhibaanada xukuumadda taageersani soo diyaariyeen. Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro oo shalay ka soo noqday safar gaaban oo uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa tan iyo xalay shir saacado badan qaatay kula jiray xildhibaanada taageersan, waxaana la aaminsanyahay inay soo diyaariyeen jawaabtan ku socota madaxtooyada iyo xildhibaanada la safan.

Wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji XAasan ayaa toddobaadkii hore oo uu MAdaxweyne Siilaanyo kala qayb galay xaflad lagu qabtay magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, wuxuu ka soo diray farriin hanjabaad ah oo uu ku tilmaamay inay xukuumadu soo diyaar garowday.  Hadalkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo sida wejigiisa laga dareemayay soo dhaweeyay, ayaa sabab u noqday inay madaxtooyadu dagaal ku jihayso guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isaguna shalay madaarka Hargeysa xukuumadda uga diray farriin digniin ah. “Waxaan jecelahay laba ama saddex farriimood in aan shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyo farriinta kowaad, waxaa weeye Golaha Wakiiladu intii ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo marna dagaal lamuu galin haddana dagaal kulama jiro farriinta labaad, waxaa soo if baxay oo si qaawan u muuqday in xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada Somaliland gacanta kula jirto farriinta sadexaad, waxaan kula talinaya xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah golaha wakiilada oo ay ku mashquusho arrimaha qaranku u igmaday .farriinta afraad, waxaan salaamayaa mudaneyaasha golaha wakiilada meelkastoo ay joogaan rag iyo dumarba waxaanan ku kalsoonahay mudaneyaashu in ay sharaftooda iyo sharafta qaranka ilaalin doonaan.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Marka ay arrimuhu sidaas u muuqdaana, waxa saaka golaha wakiilada laga filayaa dagaal siyaasadeed oo midabo badan, waxaana si weyn isha loogu hayaa bal dhinaca maanta guulaysta. Haddii ay madaxtooyadu maanta ka guulaysato Cabdiraxmaan-Cirro waxa u sahlanaan doonta inay qaado tallaabooyin kale oo halis ku ah kursigiisa, halka haddii uu Mudane Cirro guulaystana ay xukuumadda soo waajihi doonto halis siyaasadeed, maadaama oo ay iyagu isku cariyeen golihii wakiilada.