Ururada Siyaasadda Iyo Guddiga Doorashada Oo Shalay Gondaha Is Daray Kulan Lagaga Hadlay Goobaha Cod Bixinta Togdheer Ee Ay Qaylo-Dhaantu Ka Soo Yeedhay

0
556

 

komishankaHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka iyo madaxda ururada siyaasadda ayaa shalay yeeshay kulan lagu falan qeeyay qaylo dhaanta ka soo yeedhay qaar ka mid ah Beelaha gobalada bari oo sheegay inay qaadacayaan doorashada haddii aan wax laga qaban cadaalad darro ay sheegeen inay ka tirsanayaan guddiga doorashada oo la xidhiidha saami qaybinta goobaha cod bixinta.

 

Kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa la sheegay inay guddiga doorashooyinka iyo ururada siyaasadu kaga wada hadleen cabashada ka soo yeedhay gobalada bari meelo ka mid ah oo ku doodaya in goobo cod bixineed  oo  deegaanadooda yaalay loo raray deegaano kale. Guddiga doorashada ayaa la sheegay inay  kulankaas ka sheegeen in goobaha cod bixinta ee la sheegayo inay kordhiyeen ay ku saleeyeen qaabkii deegaamadaas looga codeeyay doorashadii Baarlamaanka, balse aanay ku salayn ujeedo kale. Hase yeeshe qaar ka mid ah madaxda ururada siyaasadda ayaa la sheegay inay kulankaas ku soo bandhigeen dhaliilo ay u jeediyeen guddiga doorashada oo ah inay talaabadaas ku dhaqaaqeen iyagoon kala tashan ururada siyaasadda, waxaanu warku intaas ku daray inay madaxda ururadu guddiga ka codsadeen inay qaadaan tallaabo ay xal ugu raadinayaan dareemada ka soo kordhay arrintaas  oo halis gelin kara doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa la sheegay inay sheegeen inay dib isugu noqonayaan, waxaana maanta la filayaa inay ururada siyaasadda u soo bandhigaan xalka ay gaadheen.

Geesta kale, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan golaha deegaanka ururadda siyaasadda ee degmadda Burco  ayaa shaaciyay in aaney ka qayb geli doonin  doorashadda golaha deegaanka Burco , haddii aanay komishanku wax ka bedelin qaabka ay u qoondeeyeen goobaha cod bixinta gobalkaas.

 Musharaxiintan   oo ka tirsanaa musharaxiinta degmadda Burco ee ururada Wadani ,Xaqsoor ,Ucid ,Umadda iyo Kulmiye ayaa shir jaraa’id oo ay  ku qabteen Hoteelka Nasiye ku sheegay in ay qaadacayaan doorashada golaha deegaanka  Burco ,taasi oo ay ku eedeeyeen Komishanka Qaranka in si cadaalad daro ah u qaybiyay sanaaduuqda codbixinta deegaamadda gobolka Togdheer . “ Halkan waxa iskugu yimi caawa  musharaxiin ka tirasn Shan urur siyaasadeed oo kala ururka ah Xaq-soor ,ururka Wadani ,ururka Umadda ,ururka Ucid iyo ururka Kulmiye ,waxa isu keenay markii hore ismay aqoone  tabasho aan la aqbali-karin oo ka dhalatay goobaha codbixinta degmadda Burco ,taasi oo ay soo gudbiyeen liiskeeda komishanka doorashooyinka sidaa awgeed iyadoo ay musharaxiintani mudo lix bilood ah u xaydnaayeen doorashadaasi, waxa cadaatay  liiskaa ay Komishanku soo gudbiyeen in aaey dani ugu jirin cidina uga soo baxaynin ,hadaanu komishanku  bedelin Liiskaa ay soo gudbiyeen oo aaney dhex bulshada u noqon  “ Sidaasi waxa yidhi Guddoomiyaha ururka Umadda ee gobolka Togdheer Xil. Siciid Xasan Nuur (Waaye). Waxa kale oo iyaguna hadlay xubno kale oo ku hadlayay magaca ururada kale.