Milatariga Masar Oo Cambaareeyay Siyaasadda Obama Ee Isbedelka Dalkooda

1
575

Picture2Qahira(Geeska)-Milatariga haya talada dalka Masar ee talada ka tuuray Madaxweynihii Masar Maxamed Mursi ayaa maamulka Madaxweyne Obama ku eedeeyay inay dhabarka u jeedinayaan aayo ka tashiga shacabka reer Masar.

 

Taliyaha awooda badan Mr. Cabdifataax Al Sisi, ayaa sheegay in Madaxweyne Obama iyo maamulkiisu ay burburinayaan rajada shacabka reer Masar, waxaanu ugu baaqay inay ka noqdaan go’aano uu sheegay inay ku taageerayaan madaxweynihii talada laga tuuray.

Dhawaaqa taliyahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo laba xildhibaan oo ka socda aqalka Sentarka Maraykanku ay Isniintii gaadheen wadanka Masar si ay dhexdhexaadin uga bilaabaan khilaafyada taagan. Labada xildhibaan oo kala ah John McCain oo la tartamay Madaxweyne Obama iyo Lindsey Graham, ayaa shirjaraa’id oo ay qabteen ka dib kulamo ay la yeesheen dhinacyada is haya waxay soo jeediyeen in la soo daayo madaxda xisbiga Ikhwaanka ee xidhan.

John McCain ayaa awood ka tuuristii Madaxweynihii hore ee Masar ku macneeyay Inqilaab, taas oo cadho ku abuurtay dawladda ku meelgaadhka ah ee Masar iyo taliska milatariga ahba, kuwaas oo si weyn uga cadhooday hadalada Mr. McCain.

Comments are closed.