Dawladda Soomaaliya Oo Heshiis Shidaal Baadhis Ah La Saxeexatay Shirkad Ingiriis Ah

0
441

Muqdisho (Geeska) – Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay heshiis shidaal baadhis ah la saxeexatay shir Magaceedu yahay SOMA Oil and Gas Exploration ltd, taasi oo sida la sheegay laga leeyahay dalka boqortooyada Ingiriiska

Heshiiska dawladda Soomaaliya ay la gaadhay shirkadda SOMA oo ku soo beegmaya xili ay toddobaadkan heshiis ilaalinta badda Soomaaliya ah la gashay shirkad Lagu Magacaabo Atlantic oo fadhigeedu yahay dalka Holland, ayaa waxa dawladda Soomaaliya u saxeexay wasiirka wasaaradda khayraadka Cabdirisaaq Cumar Maxamed., waxaana shirkadda dhankeeda u saxeexay madaxa shirkaddaasi.

Heshiiskan oo dhigaya inay shirkaddu shidaal ka baadho badda iyo bariga Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xili toddobaadyo ka hor la shaaciyey warbixintii Guddiga Qaramada Midoobay u saartay Kormeerka Soomaaliya oo ka digay danaha shirkadaha Batroolka ee Reer Galbeedka ka leeyihiin dalka Soomaaliya inay keeni karto dagaallo hor leh.

Heshiiskan oo aan la ogeyn inuu samayn ku yeelanayo deegaanada Somaliland ee hawlaha shidaal baadhista hore looga bilaabay, ayaa la mid noqonaya heshiisyada Somaliland iyo Puntland sida gaar gaarka ah ula galeen shirkaddaha shidaalka ee reer galbeedka ah.