Madasha Mareegta Indheer-Garadka Oo Taakulo Gaadhsiisay Cusbitaalka Dhimirka Hargeysa

1
527

1Hargeysa(Geeska)-Barkulanka  Facebook ee loo yaqaano Madasha Indheer garadka oo ah Madal Kulmisa Aqoonyahanka, indheergaradka, Mutacalimiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee Daafaha Dunida  ayaa shalay Cusbitaalka magaalada Hargeysa gaar ahaan qaybta Dhimirka soo gaadhsiiyay Taakulo  Balaadhan oo isugu jirta Agabka Cuntada, Agabka Nadaafadda , Hu iyo Cuntaba.

https://fbcdn-sphotos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-ash3/1146597_10151739476443559_1110321120_n.jpg

Xubnaha Madasha Indheergaradka ee Hargeisa ku sugan oo iyagu deeqdan Masuul ka ahaa ayaa Waxa  Deeqdan ka Gudoomay Masuuliyiinta Cusbitaalka oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud ee Hargeisa Dr: Axmed Sh. Omer Askar, Madaxa Maamulka Cusbitaalka Dr: Axmed Daahir Aaden  Agaasimaha Waaxda Dhimirka Dr: Mustafe  Xuseen Xirsi (Mustafe Khamriile)  Madaxa  Maamulka Qaybta Dhimirka Dr:- Maryan  Xasan Daahir,

 

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Mahdi Sheekh oo uga mahadceliyay maamulka cusbitaalka sida ay u garab taagnayeen gudida hawshan masuulka ka ahayd ee ay ula shaqeeyen ugana taageereen wax kasta o macluumaad ah oo ay uga baahadaan si ay ufusho hawshani.

Rooble Maxamed Saxardid oo ku hadlayay afka mareegta indheergaradka ayaa isna ka waramay fikirkani sida uu ku bilaabmay iyo marxaladihii koobnaa ay soo martay deeqdani waxana hadaladiisii kamid ahaa “Illahaybaa mahadleh inoogu soo gabagabeeyey bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo aan hada maalmihi ugu danbeeyey ku jirno, dhinaca kale madashan hadaan wax kayara iftiimiyo waa madal ama mareeg kulmisa in kabadan 800 oo qof oo ku midaysan fikirka caafimaadka qaba ee wax u qabashada dadka tabaalaysan iyo is waydaarsiga afkaarta wax ku oolka ah, xubnaha ku jira mareegtan maaha dad is yaqaana, isku hayba ama meel wada jooga ee waa dad ku filiqsan dhamaan daafaha dunida sida wadamada Maraykanka, Yurub, Afrika, Australia, Carabaha iyo Asiyaba, waxaanay manta tani u tahay tusaale fiican sida dadka ay isugu kalsoon yihin ee ay isugu aaminayaan xoolaha intaa leeg iyaga oo aan is aqoon oo qaarna soo dirayaan xoolohoodii qaarna ay accounts ku maamulayaan iyagoo ugu dhawaanayaa ama ajar kaga doonaya Ilaahay, deeqdan oo aan kolay buurnayn waxaa aan u soo dhawayn lahaa Safiya cawad Xayd”

https://fbcdn-sphotos-g-a.akamaihd.net/hphotos-ak-prn2/972109_10151739476413559_580804256_n.jpg

Safiya cawad oo iyana halkaa ka hadashay ayaa mahad celin kadib faahfaahisay waxa ay deeqdan ka kooban tahay waxana hadaladeedii ka mid ahaa “ kolay hadal badan odhan maayo ee waxaan mudane Agaasimayaal halkan maanta idinku gudonsiinaynaa inaad naga gudoontaan deeqdan aan ugu talo galnay walaalahayaga xiskoodu dhiman yahan ee ay ugu talo galeen bahda madasha indheergaradka, si guud waa deeq ka kooban agabka nadaafada, maacuun, cunto iyo dhar aan ugu talo galnay dumarku inay ku ciiidan”

https://fbcdn-sphotos-e-a.akamaihd.net/hphotos-ak-ash4/1006019_10151739476433559_1568062132_n.jpg

Agaasimayaasha kala duwan ayaa iyago ku faraxsan deeqdan loo keenay dadka ay masuulka ka yihiin uga mahad celiyay madasha indheergaradka iyagoo tilmaamay inay madashu horsed ka noqotay in ay ka faaidaysteen adeega technologyga oo cadaynaysa in jiilkan dalka u soo kacay wax badan uu ka badali karo adeego bulsho iyo horumarkeeda haddii ay aqoontooda u isticmaalaan dhinaca samaha isagoo agaasimaha guud ugu baaqay bulsho waynta reer Somaliland inay ku daydaan madasha indheergaradka ee deeqdan bixinaysay.

https://fbcdn-sphotos-c-a.akamaihd.net/hphotos-ak-ash3/1146597_10151739476443559_1110321120_n.jpg

Ugu danbayntiina wax ay masuuliyiintu madashu uga mahad celiyeen cid kasta oo gacan maadi iyo mid ruuxiyaba ka gaysatay gargaarkan ay soo gaadhsiiyeen walaalahoda tabaalaysan, waxaana lakula gudoomay deeqdii.

Comments are closed.