Meelo Dunida Ka Mid Ah Oo Ay Mamnuuc Tahay In Booqasho Ama Dalxiis Lagu Tago Iyo Sababta (Q: 2aad)

0
554

Picture10Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee qormada uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u soo rogay ee soo bandhigaysay meelo ka mid ah goobaha dunida ku yaalla ee aan aadamaha dibadda kaga yimid loo ogolayn in ay galaan:

4. Jasiiradda Poveglia:

Jasiiradda Poveglia oo ku dhow magaalada Venice ee woqooyiga Talyaaniga, waxaa laga sheegaa sheeko baraley badan oo ay ka mid tahay in ay deggen yihiin rooxaani, dad badan oo marar kala duwan tegeyna waxa ay ka sheekeeyaan in ay maqleen codad aan la garanayn oo habeenkii baxa, iyo ilays aan meel uu ka soo baxayo la arkayn.

Jasiiraddan taariikhdeeda haddii aynu in yar dib u milicsanno, waxa aynu arkaynaa dhacdooyin badan oo madow, tusaale ahaan sannadkii 1348kii taariikhda Miilaadiga, magaalada Venice waxaa ka dillaacay cudurka Daacuun, kadib maamulkii xilligaa jiray waxa uu jasiiraddan Poveglia ka dhigay xero Karantiin caafimaad ah oo la geeyo dadka deggen Venice ee uu ku dhaco daacuunku, waxa aanay ahayd qorshe la doonayey in laga hortago in cudurku uu ku wada faafo dalka Talyaaniga oo dhan. Sidoo kale dadka cudurrada kale ee sida dhaqsaha ah u faafa qaada waxaa loo mustaafurin jiray Jasiiraddan Geeri go’anka ah, waxaana dhacday in dad aad u tiro badani ay si joogto ah ugu dhintaan, illaa heer la gaadhay in maamulku inta uu maydka urursho la gubo.

Qarnigii Labaatanaad oo sida aynu aragno waqti aad u dheeri ka soo wareegay dhibtaas hore, weli Jasiiraddan xaalkeedu kama uu soo rayn, waayo waxaa mar kale dhacday in dhismayaashii xilligaa hore loo adeegsan jiray in laga dhigo xarumo la dejiyo dadka Daacuunka qaba, haddana ay dawladdii u beddeshay xarumo la dejiyo dadka xanuunnada dhimirka qaba, sidaas ayaanu xaalkeedu ku noqday jeel lagu hayo dadka waalan illaa la soo gaadhayey sannadkii 1968kii, xilligaas oo Jasiiraddan dadkii yaraa ee joogayna iskaga haajireen oo ay noqotay meel aanay cidi deggenayn.

Picture11Markaas ayuu maamulka Talyaanigu soo saaray sharci mamnuuc ka dhigaya in gebi ahaanba loo dalxiis tago ama si uun loo booqdo Jasiiraddan, cabsi laga qabo in dadka taga dhibaato soo gaadho awgeed.

5. Naadiga 33:

Dalka Maraykanka waxaa ka jira Xarun lagu magacaabo Naadiga 33 oo uu leeyahay urur ay isku bahaysteen dadka caanka ahi. Nadigan 33 waxa uu ku yaallaa magaalada Disneyland ee gobalka Florida, waxa aanay xubinnimadiisu ku kooban tahay 500 oo qof, oo badankoodu ay yihiin haldoorka bulshada iyo dadka caanka ah, sida kuwa filimada Jila oo uu ka mid yahay Tom Hanks, Jack Nicholson.

Xiisaha ay dadku u qabaan ku biirista naadigan awgeed, dadka ku jira liiska sugitaanka inta la furayo diiwaangelinta xubno waxa uu sannadkii 2010kii marayey 14 kun oo qof oo dhammaantood u heellan in loo ogolaado ka mid noqoshada Naadigan, iyada oo weliba la og yahay in qofka la diiwaangelinayo laga rabo lacag dhan 25 kun oo doolar, kadibna sannad kasta laga rabo in uu bixiyo 10 kun oo doolar oo ah kharashka laguugu cusboonaysiinayo xubinnimada Naadigan.

Naadigani waxa uu leeyahay albaab weyn oo uu ku rakiban yahay qalab kombiyuutar oo qofka raba in uu galo laga rabo in uu lambarkiisa sirta ah geliyo mishiin ku rakiban afaafka hore, kadib marka uu albaabku is furo ayaanu qofku kadinka ka raacayaa Sallaan Wiish ah oo geynaya qolka cuntada oo ah qol aad u weyn oo si aad u heersarraysana loo qurxiyey oo dusha sare ku yaalla.