Mayd Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhintay Weerarradii 11 Sept. Ee Maraykanka Oo 15 Sano Kadib La Xabaalay

0
699

1Washington (Geeska)- Qoyska mid ka mid ah raggii ka shaqaynayey haayadda dab-damiska Maraykanka oo ku dhintay weerarradii 11 September lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee ganacsiga adduunka ayaa jimcihii 17ka Juun ay qoyskiisu soo agaasmeen munaasabad jinaaso ah oo ay ku xabaalayaan hadhaadigiisii.

Jinaasadda ninkan 58 jirka ahaa oo lagu magacaabi jiray Lawrence Stack ayaa waxaa ka soo qayb galay boqollaal ka mid ah kooxaha dab-damiska, duqa magaalada New York Bill De Blasio, taliyaha waaxda dab-damiska Daniel Nigro iyo masuuliyiin tiro badan.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa intaas ku daraya in qoyska Stack ay muddadaa 15ka sano ah sugayeen in la helo maydka ama ugu yaraan qaybo ka mid ah hilbihii iyo lafihii Lawrence laakiin ay ku guul darraysteen, marka laga reebo jaakaddii uu xidhnaa oo burburka mar sii horreysay laga dhex helay.

Qoyskan oo ka samri la’ahaa maydka ninkan ayaa aakhirkii ogaaday in isla maalintii uu weerarradan ku dhintay waqti yar ka hor dhimashadiisa uu iska diiwaangeliyey xarun caafimaad oo uu dhiig tabaruc ah u shubay. Waxa aanay qoyskii go’aamiyeen in dhiiggaas laga shubay ay ka qaataan in yar oo ay u niyoodaan in ay tahay hadhaadiga keliya ee bani’aadam ee laga hayo ninkaas, kadibna ay intaas dhiigga ah aasaan.

Hab maamuuska aaska ciidamada ayaa loo sameeyey dhiigga yar ee loo niyooday maydkii Lawrence, taliyaha waaxda dab-damiska oo hadal ka jeediyey munaasabadduna waxa uu caddeeyey in Lawrence Stack uu marka hore ka badbaaday dumistii daartii koowaad ee dhinaca koonfureed, kadibna inta uu si dhaqso ah burburka uga soo dhex baxay uu sii waday caawinta dadka dhibaatadu soo gaadhay.

Taliye Daniel Nigro waxa uu intaas ku sii daray in Lawrence uu nin Maraykan ah oo lug ka dhaawacmay samato-bixinayey markii ay duntay daartii labaad, taas oo uu ku dhintay.

Dadkii maalintaas ku dhintay daarihii mataanaha ahaa ee Maryakanka ayaa tiradooda lagu qiyaasay 2’763 ruux, laakiin waxaa dadkaas laga aqoonsaday 1’637 ruux oo keliya, inta soo hadhayna lama helin raqdooda maadaama oo burburka aadka u weynaa kadib uu dab weyni ka kacay labadan dhisme oo halkaas dad badani ku tirtirmeen.

Dadka maalintaas dhintay waxaa ka mid ahaa 343 shaqaalihii dabdamiska ahaa oo dhismaha ku soo yaacay si ay u badbaadiyaan dadka ku dhex xannibmay ama ku dhex waxyeelloobay, raggaas dab-damiska ka tirsanaa ayaa 127 ka mid ah aan illaa maanta la arag maydkooda iyo xitaa googo’a hilbahooda.