Dalka Indonesia: Qur’aan Akhri Bisha Ramadaan Oo Shidaal Bilaash Ah Gaadhiga Ha Laguugu Shubo

0
700

1Jakarta (Geeska)- Darawaliinta gaadiidka magaalada Jakarta ee xarunta dalka Indonesia ayaa ay u qaadan waa ku noqotay markii ay kaalmaha shidaalka ee caasimadda qaarkood ku arkeen boodhadh ogeysiis ah oo sheegaya in shidaalka bilaash lagu siinayo darawalka bisha Ramadaan Qur’aanka akhrista.

Shirkadda saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ee dawladda Indonesia oo xarunteedu tahay magaalada Jakarta ayaa bilowday mashruuc ay dadka muslimiinta ah ku dhiirrigelinayso in ay bisha Ramadaan Qur’aan badan akhristaan. Waxa aanay samaysay qolal ku yaalla kaalmaha shidaalka ee aanay masaajiddu ka ag dhoweyn oo loogu talogalay in ay dadku ku tukadaan, ciddii u baahanina Qur’aanka ku akhrisato, kuwaas oo durbadiiba ay dad aad u tiro badani buux dhaafiyeen.

Dadka deggen magaalada Jakarta ayaa ku dadaalaya in ay tagaan shan kaalmaha shidaalka ee magaalada ka mid ah oo mashruucani ka dhaqan galay, iyaga oo u ordaya in ay ku guulaystaan tartankan la rabo in qofku uu bisha Ramadaan dhammeeyo Soddonka Jus ee Qur’aanka kariimka ah, iyada oo abaal marin loo siinayo shidaal bilaa lacag ah.

Nin lagu magacaabo Moatawakir oo ka mid ah dadka deggen magaalada Jakarta ayaa isaga oo arrintan xiisaha badan ka hadlaya waxa u yidhi, “Dhammaanteen waa aynu ognahay in haddii aynu wax fiican samayno ugu dambaynta aynu ajar ku helayno, haddaba waa arrin fiican in aad maalin kasta Qur’aan akhrido oo aad 30 ka jus dhamaystirto bisha dhammaadkeeda, adiga oo sidoo kalana helaya shidaal taangiga gaadhiga muggii oo bilaa lacaga ah”

War lagu daabacay wargeyska Al-Qudus oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa intaas ku daraya in kaalmahano ay qorsheeyeen in qof kasta oo hal jus oo Qur’aan ah akhriya maalin kasta, ay siiyaan laba litir oo baatrool bilaasha ah, shidaalkaas oo xaddi fiican ah marka loo eego shidaalka ay maalintii isticmaasho mootada oo ah gaadiidka ugu badan ee magaalada lagu isticmaalo.

Qaabka loo gelayaana waa in marka hore salaadda inta aan la tukan aad maamulka kaalinta shidaalka ka qaadato foom la buux-buuxinayo, kadibna marka aad salaadda tukato ayaa lagu siinayaa kitaab Qur’aan ah, si aad u akhrido juska kuu qorshaysan. Marka aad dhammaystirtana abaal marintaada ayaa aad helaysaa.

Caarif Bawdimaan oo maamula mid ka mid ah kaalmahan shidaal ee Qur’aan akhriska shidaalka bilaashka ah ku bixinaya ayaa yidhi, “Waxa aanu jecelnahay in aanu qaddarinno dadka jecel Qur’aan akhriska, sidaa awgeed waxa aanu go’aaminnay in qofka Jus Qur’aan ah akhriya aanu siinno laba litir oo shidaal bilaa lacaga ah”