Maxkamadda Sare Oo Laashay Dacwad Ay Xildhibaannada Golaha Degaanka Gabiley Ku Dalbanayeen Fadhi Ay Xilka Kaga Qaadaan Maayarka

0
469

Hargeysa (Geesk) – Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa Arbacadii Shalay Go’aan ka soo saartay Dacwad ay u gudbiyeen 8 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha deegaanka degmada Gabiley, kuwaasi oo dalbanayey in loo ogolaado Fadhi aan caadi ahayn, si ay xilka uga qaadaan Maayarka Degmadaasi Maxamed-amiin Cumar Cabdi.

Xildhibaannadan oo ah aqlabiyadda Golaha deegaanka Gabiley, ayaa Fadhiga aan caadiga ahayn ee ay doonayeen inay qabsadaan waxa diiday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kaasi oo Wareegtu uu soo saaray ku sheegay inaan xilligan la ogolayn in dhammaan Goleyaasha deegaanku yeeshaan Fadhiyo aan caadi ahayn oo ay xilka kaga qaadayaan Maayarrada, maaddaama oo muddada ay xilka hayaan tahay wakhti aan lagu qiimayn karin Waxqabadka Maayarrada iyo Maayar ku-xigeennada.

Laakiin, Xildhibaannadan oo arrintaa ka dacwoonaya, ayaa hore Maxkamadda sare ugu gudbiyey Dacwad ay kaga dalbanayaan inay ka Gar-naqdo Dalabkooda ah inay yeeshaan fadhi aan caadi ahayn iyo Diidmada Wasiirka Arrimaha gudaha.

Sidaasi darteed, Maxkamadda sare oo Tixraacaysa Wareegtada uu Wasiirka Arrimaha guduhu ku mabnuucay in Goleyaasha degaanka ee guud ahaan dalku yeeshaan fadhiyo aan caadi ahayn iyo Dacwadda ay arrintaasi ka soo gudbiyeen Xildhibaannada Mucaaradka ah ee Golaha deegaanka Gabiley, ayaa Arbacadii Shalay soo saartay Go’aan kama dambays ah, waxayna Go’aankaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ku tidhi:-

  1. Maxkamadda sare waxay diidday Asbaabta Rafcaanka ee ku taariikhaysan 26/10/2021 ee ay Maxkamadda sare u soo gudbiyeen Qareennada rafcaanleyaasha (Qareennada Xildhibaannada), maaddaama oo Warqadda ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ahayd Warqad guud ahaan ku socotay Goleyaasha deegaanka ee dalka, sidaasi darteed aanay Rafcaanleyaashu ku matalin Wakaalad Sharci ah oo xeerka Waafaqsana ka haysanin Goleyaasha deegaanka ee dalka JSL.
  2. Maxkamadda sare waxay oodday Gal-dacwadeedkan, waxaana la farayaa kaaliyaha sare ee Maxkamadda sare JSL inuu Gal-dacwadeedkan ka tirtiro Diwaanka Dacwadaha idaariga ah.
  3. Qaraarkani wuxuu soo baxay Maanta (Shalay) oo ay Taariikhdu tahay 24.11.2021”

Geeska.net/Hargeisa Office