Gabadh Soomaali Ah Oo Lagu Eedeeyay Inay Dad Dunida Caan Ka Ah Ka dhacday Lacag Gaadhaysa Malaayiin Dollar

0
490

Hargeysa (Geeska) – Maalmihii la soo dhaafay, baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta caalamka waxaa qabsaday hadal heyn ku saabsan gabadh lagu magacaabay Safiya Nuur, oo la sheegay in ay “si khiyaano ah” lacago kumannaan doolar ah uga qaadatay atooreyaal iyo dad kale oo saameyn ku leh Mareykanka.

Sida Twitter-ka laga hadal hayo, gabadhan oo la sheegay in ay heysato dhalasho Canada, balse asal ahaan tahay Soomaali, ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan lacagaha uga “dhacday” dad caan ah oo ku sugan magaalada Los Angeles ee dalka Mareyanka.

Sida ay qoreen warbaahinta uu ka mid yahay wargeyska ka warrama dadka caanka ah ee Vulture, Safiya waxay dadka “lacagta ka qaadatay u sheegeysay waxyaabo ay ku beer laxowsatay” sida inay “hooyadeed dhimatay oo ay dooneyso lacag ay aas ugu sameyso”.

Waxyaabaha kale ee ay dadka u sheegeysay waxaa ka mid ah “inay dhibaato kala kulantay kufsi wadareed loo geystay,” sida uu qoray website Mareykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Meaww.

Waxa uu qoraaga bogga intaas ku daray in Safiya ay sheeganeysay in ay “uur u leedahay fannaan caan ah” balse ay la nooshahay qof kale oo Yutuber ah oo caan ah.

Qof walba oo ay la kulanto waxa uu moodayay in ay saaxiib la tahay saaxiib kale ee uu garanayo.

Sida bogagga qaar iyo Twitter-ka lagu qoray, Inta badan lacagahaas ayaa sida lagu eedeeyay waxa ay ku qaadatay “amaah ahaan”, mar dambena ayna soo celinin ama kuma ayna laabanin dadkii ay ka qaadday.

Balse, dhankeeda lagama hayo war ay isku difaaceyso oo ku saabsan eedda, lamana caddeyn karo in ay tahay qof jira. Laakiin waxaa baraha bulshada qaarkood qabsaday sawirro iyo hal ku dhigyo ku saabsan Safiya.

Shakhsiyaadka caanka ah ee la sheegay in gabadhan ay la kulantay, laguna eedeeyay in lacago ay ka qaadday waxaa ka mid ah Jeff Wittek, Denzel Dion, Ricky Thompson iyo dad kale oo isugu jira atooreyaal, atariishooyin iyo dadka taageerayaasha badan ku leh baraha bulshada, gaar ahaan Youtube-ka.

Weli wax jawaab ah kama ayna soo bixin fannaanka iyo Youtuber-ka magacyadooda la xusay.

Sidey ku billaabatay hadal-heynta?

Twitter-ka oo aad loogu faafinayay sheekada ku saabsan gabadhan ayaa loo adeegsanayay hal ku dhigga ah #SurvivingSophia.

Waxay arrintan markii ugu horreysay soo shaac baxday maalintii Khamiista ee isbuucii la soo dhaafay, markaas oo ay taariikhdu ku beegneyd 18-kii bishan November, 2021.

Islamarkii shaaca looga qaaday warka ku saabsan Safiya, waxaa soo baxay dad badan oo ka hadlayay arrinteeda, qaarkoodna ay sheegayeen in ay sidaas oo kale u “dhacday”.

Si rasmi ah looma garan karo isku darka tirada lacagta la sheegay in ay “dadka ka qaadatay” balse wararka qaar waxay sheegayaan in ay gaadheyso kumannaan dollar halka qaar kalena ayba gaadhsiiyeen illaa malaayiin doolar.

Marba marka ka dambeysa waxaa soo baxayay dad ku andacoonayay in uu “isla qofka laga hadlayo ku sameeyay qalin shubato”.

Barta Clubhouse ayay markii hore ka billowday barashada dadkii ay la kulantay, balse Twitter-ka ayay u wareegtay hadal heynta baaxadda leh.

Xagey ku dambeysay “Safiya”?

Maalmo kooban kaddib markii ay soo baxday hadal heynta gabadhan loogu yeedhay Safiya, waxaa laga waayay bogagga la sheegay in ay ku lahayd baraha bulshada.

Wargeyska Vulture ayaa soo bandhigay sawir muujinaya ciwaan Twitter-ka ah oo la sameeyay bishii July ee sannadkan 2021-ka.

Hase ahaatee isla ciwaankaas hadda lama heli karo. Ma cadda inay iyadu qarisay iyo in ay shirkadda Twitter-ka ka saartay meesha toona. Ilaa hadda wax war ah kama uusan soo bixin gabadhan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office

Xigasho: BBC.