“Waxa Banaanbaxa Sudan Ka Wada Waa Basaasiin”

0
3915

Picture3Madaxweynaha Sudan Gen.Cumar Al Bashiir ayaa markii ugu horeysay ka hadlay banaanbaxyada dadka ku dhinteen oo todobaadkii tagay ka dhacayey dalkaasi Sudan, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Khartuum.

Cumar Al Bashiir oo khudbad kasoo jeediyey xaflad qalin jabin ah oo loo qabtay Saraakiisha ciidamada Militariga Sudan, ayaa ku tilmaamay banaanbaxyadii ka dhacay Sudan kuwo ay soo abaabuleen dad kasoo horjeeda jiritaanka Sudan iyo Basaasiin raba inay rabshado ka abuuraan dalka Sudan.

Banaanbaxyadii ka dhacay Sudan ayey ku dhinteen in ka badan 50 qof, waxayna mudaharaadyadan bilowdeen kadib markii sare u kac ku yimid maceeshada iyo Shidaalka oo hore dowlada u khafiifin jirtay canshuuraha laga qaado. Banaanbaxyadaasi ayaa keenay in xisbiyada Mucaaridka iyo waliba xubno kamid ah xisbiga Madaxweynaha ay ugu baaqaan dowlada inay dib uga noqto go’aanada keenay xiisadan.