Maxbuus Racfaan Ka Qaatay Ciqaab Xabsi Ah Oo Ku Dhacday Isaga Oo Ka Cabanaya In Waqtigu Ka Yar Yahay Inta Uu Mutaystay :Diyaariye Kamal Axmed Cali

0
553

 

xabsiIllinois (Googooska Geeska)- Nin u dhashay gobolka Illinois ee dalka Maraykanka oo ay maxkamadi ku heshay in uu dilay gabadh uu jacayl ka dhexeeyey ayaa dalbaday in loo kordhiyo muddada xabsiga ah ee ay maxkamaddu ku xukuntay, waxa aanu arrintaa awgeed ambiil uga qaatay xukunkan isaga oo ka cabanaya in garsooraha xukumay uu jilciyey ciqaabta xabsi ee uu ku riday.

 

Wargeyska St. Luis post-dispatch oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa ku warramay in maxkamadda degmada Madison ay dib u eegayso codsi racfaan oo uga yimi dacweysanaha lagu magacaabo Brian Gary oo ah 48 jir lagu helay dembiga ah in uu dilay gabadh uu xidhiidh jacayl ka dhaxeeyey oo lagu magacaabi jiray Carol Newby oo iyadu 60 jir ahayd. Gary waxa uu ku xukuman yahay Shan iyo labaatan sano oo xabsi ah, taas oo u dhiganta xabsi daa’im marka loo eego xeerarka gobolkiisa.

Ninkan oo maxkamadda horteeda ka qirtay in uu isagu gabadhaa dilay ayaa ku guulaystay racfaankan uu ka qaatay xukunka ku dhacay ee uu kaga cabanayey in uu yar yahay, waxa aanay maxkamadda raacfaanku xukuntay in muddada 25 sano ah ee lagu xukumay loogu beddelo 45 sano.