Golaha Wakiilada Oo Sannad Guuradoodii Toddobaad Ee Shalay Aqalkooda Kaga Saaray Afar Xildhibaan Oo Dalka Ka Maqan

0
599

 

impech entHargaysa( Geeska )-Shir guddoonka golaha wakiilada ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay in golaha wakiilada dabada looga saaray afar xildhibaan oo golahaas aan ka soo xaadirin in ka badan labaatan kalfadhi oo golahaasu uu yeeshay.

 

Sida uu fadhigii shalay kaga dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, waxa uu sheegay in caydhinta xildhibaandan ay u cuskadeen qodabka 50-aad ee dastuurka qaranka iyo qodabka 4-aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada.

Xildhibaandan ayaa uu gudoomiye ku xigeenka koowaad sheegay inay golaha ka maqnaayeel idam la’aan in ka badan 20 fadhi oo golahaasu uu yeeshay, xildhibaanadan ayaa ay 2 kamid ah ka soo jeedeen xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, halka mid kalena uu ka soo jeedo xisbiga talada dalka haya ee Kumiye, xildhibaanka afraadna uu ka soo jeeday xisbigii Udub, waxaanu gudoomiyu isla fadhigaas komishanka doorashooyinka u gubiyay inay soo buuxiyaan jagooyinka ka ba’naanaaday xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.

Magacyada mudanayaashan ayaa kala ah: Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame, Xildhibaan Axmed Maxamed Cali, Xildhibaan Mahdi Xaji Xasan Sugaal, Xildhibaan Maxmed Cali jibriil.

Go’aanka ay golaha wakiiladu shalay ku caydhiyeen xildhibaanadani wuxuu ku soo beegmay sannad guuradii 7aad ee maalintii loo dareeray doorashadii golaha wakiilada oo ku beegnayd 29 September, 2005, waxaana wakhtigaas ay xil hayntoodu ahayd shan sannadood, balse mudadii ayaa laba sannadood ka hor loo kordhiyay.