Maxamed Cabdikarim Oo Ka Dayriyay Xaalada Siyaasadeed Xusayna In Xirsi Yahay Cadceed Sii Dhacaysa

0
484

Picture2Qarankani wuxuu u baahan yahay isbadal siyaasadeed , mid dhaqaale iyo aragti cusub oo lagu samato bixin karo qaranka jamhuriyada somaliland ee dhiigbaxaya, Qaranku wuxuu ku sugan yahay xaalad adag oo u baahan gurmad dag dag ah, kuma sii socon karo qaranku duruufahan qalafsan ee aan la saadaalin Karin.waxaynu cagta saarnay jid aan la mahadin doonin hadii aaynaan lexecjeclo u yeelan sidii qarankani u sii jiri lahaa, shacabkiisuna isugu duubnaan lahaayeen . Marka awooda dalku sifo sharci daro ah ugu soo koobato gacmaha tiro yar oo fara kutirs ah una jeelan boobka hantida qaranka wuxuu qarankaasi halis u noqdaa inuu bur buro haddii la waayo la xisaabtan xayndaab looga dhigay sunaha dawadnimo wanaagsan.

Madaxwaynaha Qaranku mudane mujahid axmed Maxamed maxamuud(siilaanyo) wuxuu u ballan qaaday shacabka inuu dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh , wasiirradan  iyo wasiir kuxigeenadani tirad baddan Ee la magacaabay waxay qaranka ku soo kordhinayaan kharash aanu dalku qaadi karin sidoo kale  waxay sii dhiirigalinayaan boobka hantida qaranka, waxay noqon doonaan dulin ku dul nool shacabka tabaalaysan, intooda baddani masuuliyiintani ma laha shaqooyin qeexan oo ay qabtaan, waxa shaqo u noqon doonta inay qaranka dibin daabyeeyaan oo ay musuq maasuqaan, Waxa sidoo kale aan sunaha dawladnimo meelna ka soo galin in masuuliyiintii xilalka laga qaaday la guneeyo oo la siiyo mushaarkii markay xilalka hayeen qaadan jireen, taas oo cadaynaysa in qaranku badbaado u baahan yahay.

Haddaba haddii aanu nahay shacabka waxaanu u aragnaa wasiiradda la eryay iyo kuwa lagu baddalayba kudlad ku heshiis ahayd boobka hantida qaranka, oo si sharci daro ah ugu tuntay xeerarkii iyo nidaamkii dawladnimo iyagoo, Imikana u baratamaya u kala dheeraynta boobka cashuurta masaakiinta laga qaado. Waxa dildilaacay xaqii masaakiinta cashuurtooda lagu tuntay ee tamaadhada cadceeda la fadhiyay.

Haddaba Kooxdan is mahadisay ee uu hogaamiyo wasiirka Madaxtooyada Qaranka Mudane Xirsi Cali xaji xassan waxay uu muuqdaan cadceed sii dhacaysa. oo ay gabaabsi tahay gacan ku sii haynta awoodihii sharci darada ahaa ee ay u adeegsan jireen ku tagrifalka hantida qaranka iyo ku tumashada nidaamka dimuqaraadiyada iyo dawlad wanaaga.Waxay ku suntan yahiin lunsiga hantida qaranka iyo ku tagrifalka awoodihii dawladda. Waxa lagu xasuusan doonaa sharci jabin iyo u badheedhid musuq maasuq. Sida hayadda waddooyinka oo ay sifo sharci daro ah  uu  hoos keeneen wasaarada madaxtooyada taas oo beesha caalamku ay ka dayriyeen, joojiyeena deeqihii dibu dhiska waddoyinka ee ay bixinayeen midawga yurub, sidoo kale dakhliga wakaaladda biyaha iyo dekeda Barbara oo si bilaa xisaab ah ay u maamusho wasaarada madaxtooyadu. Waxaa intaa dheer lacagaha aan xisaabta lahayn ee uu ku darsaday miisaaniyada wasaaradaha oo ay ugu tunwayn tahay wasaarada madaxtooyadu,waxa muhiim ah in la xuso boobka guryaha dawlada iyo dhulka danta guud ay maamusho wasaaradda hawlaha guud iyo guriyayntu iyagoo garabsanaya Xirsi ali xaji xasan oo musuq maasuqa gacan ku siiya kooxdiisa, Waxaanu leenahay Xoolahiina ayaa faxalo lagu noqdaa, amaana lagu mutaystaa ee u tudha qarank oo  ka daaya dhalinyaraddan aad lacagta xaaraanta ah ku fasahaadinaysaan si laydinku amaano barkulanada bulshadda.

Ugu danbayntii, hore ayay inoo soo mareen wasiiro baddan oo awoodo qaldan isticmaalayay, umaddana boobay, markii xilka laga qaadayna waayay hugunkii iyo dadkii hareeraha ka yaacayay.