“Dadkii Nolosha Ay ku Suganyihiin Maanta, Doorasho Horteedba Go’nayeey Ayey Leeyihiin

0
519

axmedHargeysa(Geeska):-Xildhibaan Weli Axmed Aadan(Xaawo), oo ka mid ah mudanayaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay xaalada nololeed ee bulshada Somaliland, waxaana uu sheegay in maanta nolosha ay ku sugan yihiin dadku ay tahay mid si isku mid ah u saamaysay miyo iyo magaalaba, isaga oo tibaaxay in ay muddooyinkii danbe dalka ka taagnayd busaarad aad u adag oo reerihii danyarta ahaa si xooga u saamaysay.

Xildhibaan Weli Axmed Aadan(Xaawo), ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu carabka ku dhuftay in maanta nolosha ay dadku ku sugan yihiin ay tahay mid aan ku simi karin in ay gaadhaan doorasho ka dhacda dalka, isaga oo sida oo kalena ka xog waramay xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin xaafado ka mid ah magaalada Hargeysa oo uu todobaadadii ugu danbeeyey ku hawlanaa sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladadooda nololeed.

"Maanta(Shalay), waxaan soo maray xaafado badan oo ku yaala magaalada Hargeysa si aan ugu kuur galo xaaladooda nololeed, waxaan soo maray xaafada Qandahaar, Maxamed Mooge, Cabaaye, Macalin Haaruun, Sheekh Nuur iyo meelo kale oo badan, dadkii aan halkaa kula kulmaayey waxaan waydiiyeynaayey noloshoodu sida ay tahay, waxaa ay islaamihii i yidhaahdeen haba soo hadal qaadin taas, waxaa ay iigu maah maahday islaan ka mid ah Islaamahaasi hooyo muxuu yidhi Cigaal Shidaad col hortii go'ay, oo dadkii nolosha ay ku sugan yihiin maanta doorasho horteedba go'nayeey ayey leeyihiin, waxaana loo baahan yahay inta quud daranaysa doorashada iyo inta kaleba in ay ka harwahayaan ayaa loo baahan yahay dadkaas oo dadkii 26dan Juun ee la hadal hayaba iyagu maba oga, marka aan anigu si dhexdhexaadnimo ah aan dadka uga hadlaayo dadku xaqiiqatan maanta gurmad ayey u baahan yihiin, reer miyigii, reer magaalkii maanta mid ladani kuma jiro. maanta Hargeysa waxa ka socda waad ogtihiin bacadleh iyo illaa kii allaabo keenayey ayey saamaysay busaaradii, maanta waxaan leeyahay cidii danaynaysa arrimaha bulshada dee ha la eego, imika dugsiyadii waxbarashada ee la lahaa waa bilaash, maxaa bilaash ah toodii hore inta laga daayey ayaa maalin walba reerihii iyo xaafadihii lagu wareeriyey caruurtii la leeyahay hal dollar soo qaada taas oo ka laban laab badan tii hore mushahar ahaan looga qaadi jiray, markaa maanta dalku xaalad adag ayaa uu ku jiraa oo dhinacii nolosha ah, ee waxaan leeyahay waar aynu dib u eegno."Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawo.

Xildhibaan Weli Axmed Xaawo, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu si adag uga hadlay sixirka shidaalka oo guud ahaanba dalka ka maraaya qiime aad u sareeya xili ay dunida kale oo dhana uu qiimaha shidaalku hoos u dhacay.

“Waxaa kale oo jirta shidaalkii oo aduunka meel walba ka jabay ayaa hadana maanta Somaliland wali qaali ka ah dhexdeeda, iyada oo shirkadihii aduunyadu ay qiimihii shidaalka hoos u dhigeen, hadana maanta Hargeysa shidaalka halkii hore ee uu qaaliga ku ahaa kun shilin lagaaga soo dhaqaaqi maayo, waa in wax laga qabtaa noloshan dadka ee sii qaaliyoobaysa ee sii adkaanaysa marba marka ka danbaysa.”Ayuu yidhi Weli Axmed Xaawo.