Maxaa Sababa Xoolaha Badan Ee Dhinta Xilliga Abaarta, Maxaase’ Xal Ah? Ahmed M. Musa ….ahmedbrown.musa @gmail.com

0
760

Abaarta ayaa waxay ka mid tahay masiibooyinka ka dhaca bariga Africa oo badankiisa ah dhul qalalan oo aan la saadaalan Karin xilli roobaadkiisa taas oo ay u dheertahay in dadka dhulkan ku nool in badan oo ka mida ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool ee lagu dhaqdo dhulkan qalalan ee bariga Afrika oo lagu tiriyo meelaha xoolaha ugu badan aduunku ku noolyihin.

1

Dhulka bariga Africa ayaa guud ahaan in ka badan 70% wuxuu yahay dhul qalalan ama wax afka qalaad loo yaqaan dryland. Tusaale ahaan Somalilad, Somalia, Djabouti iyo Eretria ayaa wax ku dhow 100% dhulkoodu u yahay dhul qalalan, halka Kenya uu ka yahay 85%, Tanzania 83%, Ethiopia 60%, Uganda 40%, Rwanda 20%. Waxay kale oo dhamaan wadamada aan kor ku soo xusnay wadaagaan in dad badan ay noloshoodu ku tiirsantahay xoolaha nool, tusaale Somaliland iyo Somalia waxaa lagu qiyaasaa in 60% dadka noloshoodu ku xidhan tahay xoolaha nool, wax kale oo jirta in xoolaha nool door muhiim ah ka cayaaraan dhaqalaha waddamadan, tusaale ahaan Somaliland 40% GDP wadanka ayaa ka yimaada xoolaha nool waana wadanka ugu horeeya bariga Afrika oo dhan marka la eego GDP ka yimaada xoolaha nool.

Hadaba ayada oo la aqoonsanyahay doorka xoolaha nool ka qataan nolosha dadka ku nool bariga Afrika ayaa laga soo bilaabo xiligi gumeystaha wadamadu dedaallo kala duwan gelinayeen kobcinta xoolaha nool iyo dhulka ay daaqaan xooluhu. Hase ahaatee, in kastoo dhulkan qallalan ee bariga Afrika uu weligeedba roobku ku yaraa, haddana, ma’uusan gaadhsiisneyn halka uu hadda gaadhay. Wax kale oo jirtay in la saadaalin kari jiray abaarta, tusaale ahaan waagii hore 20kii sannoba mar bay abaartu Ethiopia ku dhufan jirtay, Kenyana 10 sannoba mar. Waana ta keentay in urur goboleedka IGAD markii ugu horeysay loo sameeyey in ka shaqeeyo arinta abaaraha iyo hor u marinta xoolaha nool, in kastoo markii dambe la balaadhiyey awoodda urur gobolkeedka.

Hadda se’ taas waa is bedeshay oo waxay noqotay in abaaruhu soo noqnoqdaan iyo ayadoon la saadaalin karin. Arintan waxay kaliftay in madaxda bariga Afrika shir isugu yimaaddaan 2011 magaalada Nairobi si ay uga arinsadaan arinta abaarta, waxayna isla qaateen qorshe 10 sanno ah oo loo bixiyey soo afjarida gurmadka abaaraha, (Ending Drought Emergency – EDE) oo loogu talo galay in gurmadka abaaraha la soo afjaro sanadka 2021.

Kulankan waxaa dhiiri geliyey ayadoo dowladaha bariga Afrika dhaqaalahoodu dib u noqdo mar kasta oo abaar dhacdo waayo dhaqaale badan ayaa ay dowladuhu ku bixinayeen gurmadka abaaraha iyo samata bixinta dadka ku tiirsan xoolaha nool. Si arinkan ficil loogu beddelo ayaa wadamada Ethiopia iyo Kenya waxay sameeyeen qorshe loogu magac daray ‘Drought emergency framework’ kaas oo ay ka mid ahayd in kor loo qaado nolosha dadka ku tiirsan xoolaha nool, in horumarka la gaadhsiiyo dhulkan, in lagu dedaalo in la sii saadaalin karo abaaraha, in miisaaniyad gurumadka ‘Budget Emergency’ ah loogu talo galo abaaraha iyo qorshayaal badan oo kale.

Intaas waxaa dheer in dawllada Kenya ay sameysay siyaasad la yidha Arid and Semi-Arid Lands (ASAL) oo  lagu hor marinaayo dhulka qallalan ee xooluhu daaqaan iyo dadka dhulkaas ku nool si ay awood ugu yeeshaan ay abaaraha iyo masiibooyinka kale isaga xejin karaan.

Haddaan u soo noqdo abaaraha ka dhaca Somaliland, mudooyinka u dambeeyey waxaa jira abaaro ku soo noq-noqda dhulka Soomaliland. Tani waxay dhaceysaa ayada oo duruufo jira, walow dedaalna aanu jirin, oo aanay dowladu lahayn wax barnaamijyo ama siyaasad adag ah oo lagaga arinsanaayo dhibta abaarta ee soo noqnoqneysa. Waxaana xalku noqday in layska sugo oo la arko marka abaar dhacdo ka dib shacabka iyo dowladuba gurmad sameeyaan. Gurmadkan inta la wado waxaa dhacda dhimasho xoolo oo badan iyo mid aadame, waayo wakhti dheer bay qaadataa in lays abaabulo. Waa mahadsanyihin dadka arinta dedaal ka geysta laakiin waxaa ka wanaagsanaan lahayd in la sameeyo sanduuq dawlada iyo shacabkuba wax ku ridaan oo u diyaar ah marka abaar dhacdo in markiiba laga jawaabo si loo badbaadiyo xoolaha iyo dadka ay dhibtu saameyso.

Maxaa is bedelay ee abaartu u soo noqnoqoneysaa?

Dadka Soomaalida, gaar ahaan reer Soomaliland waxaa lagu yaqaannay dad reer guuraa ah oo xoolo dhaqato ah, hase yeeshee isbedello badan oo aan Soomalida u gaar ahayn ee Geeska Afrika oo dhan ka dhacaya ayaa jira oo ay tahay in xisaabta lagu darsado. Kuwaas oo ay ka mid yihin

(1) Isbedel cimilo oo sababay roobka oo yaraada (Droughts) iyo mararka qaar daadad xad dhaaf ah (flush floods).

(2) Kuleylka oo sii kordha oo sababay cawska iyo daaqa oo markiiba dhinta.

(3) Xadadka u dhexeeya waddamada oo saameyn ku yeeshay nolosha reer guuraga maadama oo reer guuraagu aanu ka tallaabi karin xadka ay laba wadan leeyihin si uu xolihiisa u daaq geeyo meesha cawska iyo biyaha leh

(4) Magaaleynta (Urbanization) iyo koboca dhaqaalaha ee magaaloyinka ka socda oo saameyn ku yeeshay nolosha reer guuraaga taas oo sababtay inay dadkii xolaha dhaqan jiray isku beddelaan ganacsato dhuxul, qaad ama wixii kale ee laga iibsanaayo ka ganacsata

(5) Dadka oo sii kordhay (Population growth) taas oo sababtay in dhulkii la yeesho, la ooto ama siyaabo kale loo sheegto, waxana yaraaday dhulkii ay xoolohu daaqi jireen.

Maxaa sababa dhimashada xoolaha xiliga abaarta?

Si ka badan sidii hore ayey xooluhu u dhintaan xiliga abaarta waxaana sababaya waxaaybo badan oo ay ka mid yihiin:

(1) Dadka xoolo dhaqatada ah oo aan fahmi kareyn, aqoonna u lahayn isbedellada aduunka ka dhacaya sida isbedelka cimilada.Taas oo macnaheedu yahay inkasta oo aduunkii is beddelay, cimiladiina Isbedeshay, haddana weli qaabka xoolaleydu xoolaha u maamulaan waa qaabkii hore ee ay yaqaanneen ka hor inta aysan dhicin isbedelada aan kor ku soo sheegay. Tusaale ahaan, qofka xoolaleyda ah wuxuu ku fikiraa inuu dhaqdo xoolo badan oo ay u heystaan inay ku taageraan noloshooda (Subsistence) ka dib marka abaar dhacdo oo caws iyo biyo la waayo xoolihi layska heystay way dhimanayaan ayadoon laga faa’ideysan ama la iibin.

(2) Wakhtiga xooluhu iibka fiican leeyihin dadka reer miyiga ah ma iibiyaan oo waa ay iska heystaan, marka abaartu dhacdona xoolihi waa ay xumanayaan oo suuq yeelan maayaan markaa qofka xoolo dhaqatada ah waxay ku kalifeysaa inuu iska heysto xoolo caato ah oo uu daawado xoolihiisi oo dhimanaya.

Maxaa xal ah?

Xalku wuxuu ku jiri karaa waxyaaba soo socoda:

(1) In dawladda iyo bulshada reer Soomaliland iyo guud ahaan dadka iyo maamulladda Soomaalidu ay aqbalaan is bedellada ku dhacay dhulkeenna iyo kuwa ka dhacaya aduunka ee inna saameeyey sida isbedelka cimilada. Suurto gal maaha in sidii hore ee xoolo dhaqatadu u noolan jireen ay hadda u sii noolaan karayaan, tani waxay sameyn ku leedahay maamullada Soomaalida waayo 40% GDP goodu xoolaha ayuu ka yimaaddaa.

(2) Waa in la yeeshaa, lana baraa dadka xoolo dhaqatada ah aqoonta maamulka dhulka xooluhu daaqo (Range management) iyo sida xoolaha looga faa’ideysto (Livestock production).

(3) Waxaa la sameyn karaa in dadka reer miyiga ah lagu wacyigeliyo inay xoolahooda in badan iibayaan abaarta ka hor intay iibsamayaan (Destocking) oo ay lacagta heystaan, ka dib marka abaartu baxdo ay suuqa xoolo ka soo iibsadaan oo ay dhaqdaan ama naaxiyaan (Restocking).

(4) In la sameeyo warshado hilibka xoolaha warshadeeya iyo suuqyo loo iib geyn karo hilibkan, taas oo macnaheedu yahay abaarta ka hor marka dadku xoolaha iibanayaan waxaa ka iibsan kara warshadaha hilibka oo qali kara dhoofinna kara hilibka si aan suuqa iibka xooluhu hoos ugu dhicin.

(5) In dawladda Soomaliland ay maalgashato cilmiga saadaasha hawada (Meteorology) si loola socon karo loona sii saadaalin karo isbedelka ku dhici doona cimilada laguna wacyi geliyo dadka xoolo dhaqatada ah sadaasha hawda si ay go’aan uga qaadan karaan isbedellada iman doona.

(6) Waa in lagu dhiiri geliya dadka ganacsatada ah inay maalgashaadaan oo beertaan cawska xoolaha la siiyo (Hay production) si looga iibsado xilliga abaarta oo xoolaha loogu quudiyo

(7) Waa in hay’adaha dawladda ee ay ka mid yihin Wasaarada Xannaanada Xoolaha, Wasaarada Daaqa iyo degaanka, Wasaarada arimaha gudaha, Wasaarada warshedaha, Wasaarada arimaha dibadda iyo kuwa kale ay xooga saaraan sidii nolosha dadka xoolaleyda ah u sii socon lahayd.

(8) Waa in miisaaniyadda dawladda lagu daraa lacagta gurmadka abaaraha (Drought emergency fund).

Waxaa dhici karta inaad la yaabtaan waxan wasaaradda arimaha gudaha, dibada iyo warshadaha meesha ugu daray? Wasaarada arimaha gudaha iyo degaanka waxay wax ka qaban karaan dhulka dadka gaarka ahi iska yeesheen ee xoolaha laga xidhay. Wasaarada arimaha dibaddu waxay wada-hadal la geli kartaa waddamada jaarka, sida Djabouti iyo Ethiopia si xoolo dhaqatada xadka loogu furo xilliga abaaraha. Wasaarada wershedaha waxay dhiri gelin karta wershado wax-soo-saarka xoolaha maalgashada (Livestock production added value) si aanay u dhicin xoolaha badan ee qasaraya xiliga abaarta.

Ahmed M. Musa .. (Jaamacadda Nairobi ka diyaarinaya shahaadada PhD oo ah Cilmiga maamulidda khayraadka dhulka oomanaha ah) ahmedbrown.musa @gmail.com