Wasiirka Waxbarashadu Wuxuu Ku Guulaystay Soo Saarista Mahnajka Dalka Kormeere Cilmi Maxamed Wacays

0
649

Marka laga hadlayo horumarka bulsho meelaha laga eego waxaa ka mid ah waxbarashada, caafimaadka, farsamada, habka maaliyadda i.w.m. waxbarashada qarankan Somaliland marba meel ayay taagnayd oo madaxdii kala duwanayd ee Wasaaradda soo martay (M.O.E) mid ba meel ayuu ku soo simay ama soo gaadhsiiyey. Hadaba wasiirkan maanta joogaa wuxuu ku guulaystay soo saarida manhajka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka kooban (hoose, dhexe, sare) min caasimadda ilaa tuulo ama (public and private schools) taasoo midaysay waxbarashadii Jamhuuriyadda Somaliland (unity formed) waana markii u horeysay 25 sanadood buugaag uu qarankan Somaliland leeyahay oo aanay cidina inaga caawin calaamad hay-adeedna aan lahayn ee calaamaddii qarankani Somaliland uu lahaa ku sawiran tahay in wasaaraddu soo saarto (M.O.E) waa guul qaran guushaa iyo qaar kale oo badan oo aan halkna lagu soo koobi Karin waxaa hormuud ka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare iyo dhamaan hawl-wadeenada (M.O.E) wasaaradda waxbarashada waxaase ku suntan buugtan gacal iyo sokeeyaba aad loola yaabay wasiirka tacliinta Somaliland taas oo markhaati ka ah daacadnimada wasiirka. Hadalkii waxaan ku soo koobayaa mudane madaxweyne Axmed Maxamuud (Siilaanyo) wasiirka wasaaradda tacliintu abaal marin ayuu mudan yahay xilkiisiina wuu ka soo baxay.

Kormeere Cilmi Maxamed Wacays (M/jeex Bariga Hargeysa)

Tell: 4102576

Mahadsanidiin