Makah (Geeska)- Goobaha Barakaysan ee magaalada Barakaysan ee Makaha ku yaalla oo ah meelaha xilliga xajka ay dadku tagaan, dhammaantood marka laga tago qiimahooda diineed waxa ay leeyihiin qiime taariikheed oo mid kastaa xusuustiisa leeyahay.
Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa masaajidka aanay dadku aalaaba magaciisa u aqoonin ee Al-Khiif. Masjidkan oo qof kasta oo waajibka xajka soo gutay uu garanayaa waxa uu ku yaallaa buurta Mina, waxa aanay taariikhdku u xustay in uu yahay masaajid ay ku wada tukadeen Nebi Muxammed (SCW) iyo Nebiyadii ka horreeyey. Laakiin waxaa taas ka sii weyn oo taariikhda ugu jira in uu yahay masjidkii uu nebi Muxammed (SCW) ka jeediyey khudbaddiisii dardaaranka ahayd ee ugu dambaysay, markii uu gutay xajkii uu dabadii geeriyooday ee loo bixiyey Xajka sagootinta.
Masjid Khiifa waxa uu ka mid yahay masaajidda taariikhiga ah ee ku yaalla Makah, waxa aanu ku yaalla dusha oogada buurta Mina dhinaceeda Koonfureed una dhow, buurta Jamhrata Jamruatu Suqraa ama dhagax tuurka yar.
Masaajidkan waxaa si gaar ah u danayn jiray una daryeeli jiray Madaxdii Nebi Muxammed (SCW) dabadii qabatay talada muslimiinta, dhismihiisana waxaa la ballaadhiyey sannadkii 1407, waxa uu leeyahay afar minaaradood, hawo-qaboojiye tayadiisu sarrayso, in ka badan kun suuli oo si heer sarraysa loo dhisay iyo 3kun oo qasabaha biyaha ee laga weysaysto ah.
Xilliyada Xajka waxaa masaajidka lagu qabtaa barnaamijyo diini ah iyo wacdiyo, gaar ahaan inta u dhexeysa 5 illaa 14ka bisha Dul-xij (Laba iyo tobnaad ee maalinteeada siddeedaad uu xajku sida rasmiga ah u bilowdo.