Maxaa Aad Ka Taaqaannaa Islaanta Madowga Ah Ee Dhowaan Lagu Sawiri Doono 20 Doolar Ee Maraykanka?

0
547

1Washington (Geeska)- Xukuumadda Maraykanka ayaa go’aansatay in lacagteeda 20 ka doolar ay ku dhejiso sawirka haweenayda madowga ah ee Harriet Topmann oo dhibbane u noqotay gumaysigii madowga ee dalka Maraykanka, waxa aanay noqonaysaa gabadhii ugu horreysay abid ee sawirkeeda lagu dhejiyo lacagta Maraykanka. Haweenayda u sharraxan madaxnimada dalka Maraykanka Hillary Clinton oo dhowaan ka hadashay aragtideeda la xidhiidha go’aanan ayaa barteeda twitter ka waxa ay ku tidhi, “Haweenay, hoggaamiye, iyo halgamaa u soo dagaallantay gobannimada! Ma jiro cid kale oo Harriet Tubman kaga habboon in lagu sawiro lacagta 20 ka doolar ee Maraykanka”

Dhinaca kalana wasiirka khasnadda Maraykanka Jacob Liue oo ka hadlay arrintan ayaa yidhi, “Ma’aha astaan taariikheed oo keliya, laakiin waa tusaale sare oo lagaga daydo hoggaaminta iyo ka qaybgalka dimuqraadiyadda, qisadeeduna waxa ay astaan u tahay geesinimada yaabka leh, iyo dhowrista sinnaanta iyo dimuqraadiyadda maanta umaddeenu haysato”

Tubman waxa ay ka mid tahay dadkii madowga ahaa ee taariikhda Maraykanka ku caan baxay halgankii ay kaga soo horjeedeen addoonsigii labaatanaadkii qarnigii 19naad. Muddo ayaa ay ka mid ahayd dadka dhibaatadu ka soo gaadhay addoonsiga, laakiin aakhirkii iyada oo dhaawac weyn madaxa ka qabta ayaa ay baxsatay, waxa aanay samaysay jid dhulka hoostiisa mara oo guryo badan isku xidha, si ay ugu dhuuntaan dadka ka baxsada addoonsigu, habkan oo suurtogeliyey in ay muddo yar addoonsiga ka xoroobaan dad ka badan 70 ruux.

In kasta oo uu Maraykanku gaadhay go’aanka ah in haweenaydan lagu sawiro lacagta 20 ka doolar ah, haddana weli lama xaddidin goorta uu go’aankaasi dhaqan gelayo oo noqon karta sannado badan kadib.