Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale

0
930

222Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu qormadii shalay ku soo aragnay laba hal-xidhaale, sida aynu soo xusnayna muhiimaddu waa in jawaabtaadu ay noqoto mid isla marka aad in yar eegtaba ay maskaxdu soo tuurto, looma baahna in aad waqti badan ku qaadato ama qalin iyo warqad ku dul fikirto.

Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabaha labadii hal xidhaale ee shalay iyo laba hal-xidhaale oo cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale akhristayaasha kale ee barnaamijkan waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta labadii masalo ee hore:

1. Basku waxa uu u socdaa jihada bidix (Marka aad sawirka eegto dhinaca bidixdaadu noqonayso) Sababta lagu gartayna waa baska oo aan albaabbadiisii la arkayn, taas macnaheeduna yahay in ay dhinaca sii jeedda ee innaga qarsoon xigaan albaabkii dadweynaha ee dheeraa iyo kii darawalkuba. Marka la eego haadka caadiga ah ee Midigta basku waxa uu albaabada ku leeyahay dhinaca Midig oo hadda innaga qarsoontay.

2. Tirada xaasilkeedu waxa uu noqonayaa “1” waxaa la isu geynayaa inta ka horreysa ku dhufashada 0 ka ah, waxaana soo baxaya 12 kadib waxaa lagu dhufanayaa Eber oo waxa oo dhan ka dhigaya Eber, kadib waxaa loo geynayaa 1 ka eberka ka dambeeya: markaa waa 12×0+1= 1

Hal-xidhaalaha maanta:

3. Saacaddu waa 3:00 (Saddexdii) oo buuro ah: Ninka Peter la yidhaahdaa waa uu xanuunsanayaa. Madax xanuun aad u daran ayaa haya, sidaa awgeed Dhakhtarkiisii ayaa siiyey 5 xabbo oo kiniin kaar jebina ah, waxa aanu u sheegay in uu 15 kii daqiiqo ee kastaba hal xabbo liqo. Marka uu Peter kiniinkaas wada liqo, saacaddu imisadii ayaa ay noqonaysaa?

4. Imisa Labajibbaarane (Square = Labajibbaarane waa afargeesoole dhamaan xaglihiisu ay quman yihiin), ayaa sawirkan ku jira. Ayaa ku jira sawirka ka kor ka muuqda ee qormaan la socda.