Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (7): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen –“Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
707

Hargeysa (Geeska)- Weli waxa aynu ku dhex jirnaa qisaskii ka warramayey xidhiidhada jacayl iyo nolosha qarsoon ee madax dunida caan ka ahaa, waana qormo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey buugaag iyo maqaallo marar kala duwan uu qoraa kala duwan ka sameeyey madaxdaas.

Saddaam Xuseen:

Saddaam Xuseen Taariikhaha aan quruxda badnayn ee laga sheego waxaa ka mid ah in uu marar badan ku wacad furay jacaylka xaaskiisa uu xilligii rafaadka iyo halganka guursaday ee Saajida, marka laga tago guurka uu sifada sharciga ah uu marar kala duwan dangalooyinka ka daba keenay Saajida. Dumarka uu Saddaam Xuseen xidhiidhka aan guurka ahayn la yeeshay waxaa ka mid ahayd haweenayda saxafiyadda ah ee Parisoula oo u dhalatay dalka Giriigga.

Haddaba qisada xidhiidhka haweenaydan oo uu Saddaam Xuseen ku guulaystay in uu sir ka dhigo oo aanay cidi ogaan aakhirkii waxaa muddo dheer kadib fashilisay haweenaydan lafteeda oo qortay buuggeeda “Nooloshii aan la wadaagay Saddaam” kaas oo ay kaga hadashay nooca xidhiidh ee ka dhexeeyey Saddaam Xuseen.

“Waxa aan ahaa Lix iyo toban jir, xariif ku ah jaaska oo aan si joogto ah u tegi jiray naadi la isugu yimaaddo. Farqiga da’da ah ee noo dhexeysay aniga iyo Saddaam Xuseen oo markaas 30 sano jir ahaa, wax weyn noqon maayo marka loo eego farqiga kala duwanaanshiyaha isirka ee noo dhexeeya” ayaa ay buuggeedan ku qortay Parisoula.

Xidhiidh ayaa naga dhex abuurmay, oo weliba aad u koray, laakiin sida daruuraha xagaagii ayaa uu si dhib yar u dhammaaday iyada oo aanay xaaskiisu na ogaan. Xitaa uma malaynayo in xidhiidhkaas aniga iyo Saddaam Xuseen ay illaa hadda maqashay, waxa aan filayaa in ay aniga sheegistaydan uun ku ogaan doonto” ayaa ay tidhi.

Parisoula Lampsos waxa ay sheegtay in aanay iyadu guud ahaan marka loo eego gabadh qurux u dhalatay ahayn, balse haddana indhaheeda quruxda leh, jooggeeda buuxa iyo jalaqsanaanta, midabkeeda caddaanka ah, maqaarkeeda xariirta ah iyo timaheeda booshka ah ee illaa miskaha gaadhay ay ahaayeen tilmaamaheeda rag badan ku soo jeedinayey.

“Guri weyn oo Fillo ah oo beer aad u qurux badan leh ayaa aanu ku lahayn mid ka mid ah xaafadaha ugu fiican magaalada Baqdaad. Waxa aanu lahayn gaadhi kuwa qaaliga ah oo uu darawal shaqaale ahi noo wado, gaadhigaas ayaa dugsiga noo qaadi jiray, sidoo kalana na geyn jiray naadiga jaaska oo qoyskayagu xubin muhii ah ka ahaa.

Aabahay waxa uu ahaa shakhsi dalka ixtiraam ku leh oo ay xidhiidh leeyihiin hal-doorka iyo dadka magaca leh ee Ciraaq. Waxa aanu jaar ahayn qoysaska ugu sharafta iyo magaca dheer Ciraaq, laakiin anigu xilligaas siyaasadda ma’aan fahmi jirin, waxa aanan isu arkayey in aanan Ciraaqiyad ahayn ee aan ahay gabadh reer Yurub ah oo qoyskeeduna yahay Kiristaan ka tirsan mad-habta Otodhogoska ee Kaniisadda Giriigga.

Farqiga kale ee weyn ee noo dhexeeyey Saddaam Xuseen waxa uu ahaa dhinaca nolosha, waayo isagu waxa uu ka dhashay qoys aad u faqiir ah oo deggen tuule u dhow magaalada Tikriit oo woqooyi ka xigta magaalada Baqdaad. Uur ku hadh ayaa uu ahaa, hooyadiina waxa ay aabihii dabadii guursatay nin kale. In badan oo noloshiisii caruurnimo ka mid ah Saddaam Xuseen waxa uu ku qaatay guriga hooyadii iyo saygeeda cusub, nolol adag iyo rafaad badan ayaa uu soo maray oo xitaa mararka qaarkood uu gaadhay in uu ku fikiri jiray in uu aargoosto.

Hooyaday waxa ay ii ogolaan jirtay in aan mararka qaarkood booqdo xaafadaha jaarka aanu nahay, ee Kirisitaanka Armaaniyiinta ah. Mid ka mid ah dadka aanu deriska nahay waxaa la odhan jiray Xaaris Khayaad, dadka ladan ayaa uu ka iibin jiray dhar fiican oo magaciisuna ku qoran yahay. Xaaris waxa uu si fiican u yaqaannay Saddaam Xuseen iyo sida uu u jecel yahay xidhiidhka hablaha yaryar. Waxa aanan is leeyahay Xaaris qudhiisa ayaa u shaqayn jiray oo Saddaam Xuseen bari jiray hablaha yaryar. Waxaana jiray sababo badan oo Xaaris ku dhiirrigelin karayey in uu adeegga noocan ah u qabto ninkan Ciraaq xukumi doona mustaqbalka.

London (Geeska)- Hal-xidhaalayaasha qaarkood, gaar ahaan kuwa sawirrada iyo muuqaalka la xidhiidhaa waxa ay qofka ku ridayaan niyad jab iyo cadho, kadib marka aad ku guuldarraysato in aad furfurto ama ka jawaabto hal-xidhaalahaas.