Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (3)

0
749

Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu qormadii shalay ku soo aragnay laba hal-xidhaale, sida aynu soo xusnayna muhiimaddu waa in jawaabtaadu ay noqoto mid isla marka aad in yar eegtaba ay maskaxdu soo tuurto, looma baahna in aad waqti badan ku qaadato ama qalin iyo warqad ku dul fikirto.

1

Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabaha labadii hal xidhaale ee shalay iyo laba hal-xidhaale oo cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale akhristayaasha kale ee barnaamijkan waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta labadii masalo ee hore:

3. Peter waxa uu dawooyinkaas dhammaynayaa marka ay saacaddu tahay 4:00 oo buuro ah. Taas oo macnaheedu yahay in uu dawada ku liqayo muddo 60 daqiiqo gudahood ah.

Haddii aad is weydiinayso in 15 kii daqiiqo ee kasta mid liqayo kadiba aad eegayso in 5 xabbo oo kiniin ah aad 15 daqiiqo ku dhufato oo ay noqonayso 75 daqiiqo ama saacad iyo rubuc. Ka dhigaysa waqtiga 4:15 waxa aad xasuusataa in xabbadda koowaad ee kiniin ah uu bilaabay markii ay 3:00 buuxa ahayd, markaa saddexdii kadib waxa uu liqay ay noqonayaan uun Afar xabbo oo midkiiba 15 daqiiqo yahay sidaasna saacad buuxa ku noqonaya.

4. Sawirka shaxdan waxaa ku gudo jira 40 Labajibbaarane.

Hal-xidhaalaha maanta:

5. Sawikan waxaa ka muuqda Saddex xagal salkeedu hooseeyo oo kor u jeedda, waxaa lagaa rabaa in aad dhaqaajiso (Meesha ay yaallaan ka beddesho) saddex kubbadood oo keliya, kadibna ay shaxdani isu beddesho saddex xagal hoos u foorarta oo salkeedu dusha xigo sida ka muuqata saddex xagalka yare e ku dhex sawiran saddex xagalka kubaddaha ah.

6. Haddii Saca qiimihiisa marka laga jaro qiimaha wanka uu le’kaanayo laba diig qiimahooda. Hal diig qiimihiisa marka lagu daro saddex wan qiimahoodana uu u dhigmayo qiimaha hal sac. Hal Sac qiimihiisa oo lagu daray hal diig qiimihiisu maxa ay u dhigmaysaa? 

Iyada oo ah sawir qaab xisaabeed u dhigan, fadlan ka eeg sawirkan qormada la socda.