Badhasaab-xigeenka Saaxil Ee Ka Badbaaday Weerarka Lagu Dilay Taliyihii Booliska Saaxil Oo Ka Hadlay Qaabka Loo Weeraray Iyo Hawsha Ay U Socdeen

0
433

Berbera(Geeska)- Taliyihii booliiska gobolka Saaxil ayay dabley hubaysani ku dishay deegaanka Biyooley oo dhinaca bari qiyaastii 50km ka xiga magaalada Berbera.

1

Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Casayr), ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay weerarkaas ay dableydu jidgooyada ugu gashay isagoo ku sii jeeday deegaanka Tuuro-dhibiijo.

Badhasaab-xigeenka gobalka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahi, oo la socday taliyaha la dilay, ayaa saxaafadda uga waramay qaabka uu weerarku u dhacay, “Halkan [Berbera] ayaanu ka baxnay, isagaa markii hore loo soo sheegay dhibaatadan ka dhacday Tuuro dhibiijo oo qolooyin isku laayeen oo nabadgelyo darro ka dhacday gaadiidley iyo qolo beeralay ah. Hawshaas aynu maanta u baxno ayuu yidhi, xafiiska ayuu iigu yimid. Kowdii ayaanu baxnay, wax cid ah oo meesha ku jirta oo aanu ogayna ma jirin, Xidhka yar ee biyaley ka sokeeya markaanu marayno ayaa waxa noo galay ciidan, rasaas ayaa lanagu bilaabay, gaadhigii aanu wadanay rasaas ayaa indhaha lanagaga bedelay, aniga madanays mooyee amarka Illaahay xabadi iguma dhicin, kii laakiin [askari] iga dambeeyay way ku dhacday., isagana marxuumka dhinacaas bidixda ayay kaga dhacday.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa qoraal tacsi ah oo uu soo saaray wuxuu tacsi ugu diray ciidanka Booliska iyo shacabka uu sarkaalkaasi ka geeriyooday, waxaana sida warsaxaafadeedka lagu sheegay uu Madaxweyne Siilaanyo amar ku bixiyay in gacanta lagu soo dhigo kuwa dilka fuliyay. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u dhignaa “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil. 

Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku. 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga dabatago, sida ugu degdega badana sharciga loo horkeeno. 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”