Masiixi Magaciisa Oo Maxamed Ah Awgeed Loogu Diiday In Uu U Ciyaaro Kooxaha Kubadda Cagta Israa’iil

0
904

Hargeysa (Geeska)- Israa’iil ayaa ciyaartoy masiixi ah, magaciisa oo Maxamed ah awgeed ugu diidday in uu heshiis la galo mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee Israa’iil.

Sida ay idaacadda BBC qaybteeda Afka Carabigu ku warramayso, ciyaaryahankani Inkasta oo uu diinta Kiristaanka haysto haddana magaca muslimka ah ee uu leeyahay awgeed ayaa ay Israa’iil u aragtay in aanu munaasab ku ahayn in uu kooxaheeda ka dhex muuqdo.

Go’aanka diidmada ciyaartoygan ayaa yimi kaddib markii xidhiidh ay leeyihiin taageerayaasha naadiga kubadda Cagta ee Beytaar Al-Qudus, oo Israa’iil laga leeyahay uu soo saaray bayan uu kooxda kaga dalbanayo in aan ciyaartoyga Muxamed Cali oo u dhashay dalka Nayjeeriya loo ogolaanin in uu ku soo biro kooxda, magaciisa oo aanay jeclaysan awgeed. Xidhiidhku waxa uu dalbaday in haddii ciyaartoygani uu doonayo in uu ku soo biiro naadiga in ay ka rabaan in uu marka hore soo beddelo magaca.

Kooxdan ayaa sannado ka hor heshiis ciyaareed la gashay laba ciyaartoy oo muslimiin ah oo kala ahaa Saawar Sadaayeef iyo Jibraayiil Kaadiyeef oo u dhashay Jeejniya. Laakiin markan naadigu waa uu diiday tallaabadaas isaga oo tixgelinaya taageerayaashiisa diiddan magaca Maxamed.

Sida uu ku warramayo wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska,ayaa sheegay in Muxamed Cali oo 23 sano jir ahi uu u dhashay dalka Nayjeeriya. Waxa uu hore heshiisyo ciyaareed sannadihii 2015 ka iyo 2016 ka ula galay laba naadi oo ka dhisan Israa’iil, sannadkii hore ayaanu heshiiskan u dambeeyey ee hadda lagu diidan yahay la galay kooxdan cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here