“Doorasho Danbe Oo Aan Saami Qaybsi Lagu Galin Anagu (Reer Awdal) Ahaan, Ma Galayno”

0
666

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee  uu dalku marayo,waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu aad uga firisado hadalada uu ku hadlaayo, oo aanu ku deg degin, isagoo tusaale u soo qaatay dhaliilaha uu u soo jeediyey Boqor Buurmadaw, waxaa kale oo uu Xukuumadda ugu baaqay in aanay ka sasin Shirarka Beelaha.

Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good,  oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in aanay sinaba Doorasho u gali doonin dadka ku dhaqan  Gobolka Awdal iyadoo aan saami qaybsiga la sameeynin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlay Madaxweynaha yidhi “Qofku markuu eedaysane yahay maaha dambiile, xitta haddii uu ku jiro Xabsi, ilaa qofka lagu soo caddeeyo dambiga uu galay,oo si toos ah loogu marag furo, ayuu dambiile noqonaya, kadibna wuxuu sharcigu ka yidhaahdo ayaa lagu qaadaya, ee isagoo aan qofku dambiile ahayn dambiile laguma tilmaami karo, balse waa nasiib daro inuu Madaxweynihii qaranka uu boqor buurmadaw ku tilmaamo dambiile telefoon ku hagayey colaadii Ceel-afweyn, isagoon caddayn u haynin, haddii Boqor Buurmadaw uu yahay dambiile hurinaya ama qayb ka ah colaadii la soo af jaray, mar hore ayaa xabsiga loo taxaabi lahaa oo la xidhi lahaa, oo Maxkamadda la saari lahaa, xukuna lagu ridi lahaa, Boqor Buurmadawna dalka uu joogay, oo waliba isaga ayaa ka qayb ahaa nabadayntii labada beelood, markaas aniga ilama ah inuu Boqor Buurmadaw uu yahay dambiile, ee Madaxweynaha madaama uu yahay Madaxweynihii qaranka, waxaa looga baahan yahay inuu wax walba ka fiirsado, oo aanu ku deg degin hadalada qaar, mar haddii uu Madaxweynuhu dambiile ku sheegay boqor buurmadaw, waxaa laga doonaya inuu ku caddeeyo dambigiisa, si sharciga loo hor keeno”

Xildhibaan Abubakar mar uu ka hadlaayey Shirarka Beelaha ayaa yidhi “Shirarka waa la qabsan karaa, oo Beeluhu masiirkooda wey ka shiri karaan, Shirarka Beeluhu maaha Shirar qaranka lagu duminayo ee yaanay Xukuumaddu sas iyo baqdin ka qaadin”.

Mar uu ka hadlaayey saami qaybsiga ayaa yidhi “Reer Awdal sodon sanno ayey doonayeen in saami qaybsi doorashada lagu galo, oo la siiyo saamiga ay xaqa u leeyihiin, Doorasho dambe oo aan saami qaybsi lagu galina anagu reer Awdal ahaan ma galayno, waa in la sameeya Saami-qaybsiga, Madaxweynahana waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta ah Masuulkii qaranka u sareeya, adiga ayaa Madaxweynihii qaranka, in badan baad ololaha ku gashay saami qaybsiga inaad sameeysanayso, ee maanta maxaa ku bedelay, ee Madaxweyne si kasta oo aad isku tidhaahdo u baaji saami qaybsiga,kaa yeeli mayno,  reer Awdal doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya inay galaan diyaar uma ah, 13 kursina kuma qanacsana, ee saami qaybsigu yaanu kula cuslaan, ee adiga ayuu ka go’aa, ee ka badheedh, oo ku dhiiro”.

Xildhibaan Abubakar Good ayaa dhinaca kale wuxuu Madaxweynihii hore Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ku bogaadiyey warbixintii uu ka soo jeediyey Golaha Guurtida Wadanka Faransiiska, waxaanu sheegay inuu qaaday talaabo aad u fiican, oo ku saabsan qadiyada madax banaanida Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here