Masar Oo Bilowday Siyaasado Hor Leh Oo Ay Doonayso In Ay Ku Xakamayso Damaca Itoobiya Ee Webiga Nile-ka

0
555

Qaahira (Geeska)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaadday in ay hadda kadib muhiimad weyn oo gaar ah siin doonto xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Masar iyo dalalka Afrika. Muna Cumar oo ah gacan-yaraha dhinaca Afrika ee wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegtay in wasaaraddeedu ay dejisay istaraatijiyad dhamaystiran oo ku waajahan sidii dalkeedu hadda kadib ugu jihaysan lahaa dhinaca qaaradda Afrika. In kasta oo ay Muna Cumar sheegtay in xidhiidhkan ay hadda xoojinayaan ku jihaysan yahay qaaradda Afrika oo dhan haddana waxa ay qirtay in dalalka ku teedan webiga Nile ku ay kaalin weyn ku leeyihiin.

Xoojinta xidhiidhka Masar la leedahay dalalka ay ku wada yaallaan qaaradda Afrika waxaa si cad looga dareemayey safarkii uu dhowaan madaxweynaha Masar Maxamed Mursi 9-kii October ku tagay dalka Uganda oo uu kaga qayb galayey Konton guuradii ka soo wareegtay xoriyadda dalkaas iyo kulankii uu munaasabaddaa kadib la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda oo uu la saxeexday heshiisyo u badan dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxaana la qorshaynayaa in uu Mursi sidoo kale ka qayb geli doono shirar Afrika ka dhici doona bilaha soo socda oo uu ka mid yahay shir madaxeedka iskaashiga Japan iyo Afrika oo lagu wado in uu laba bilood kadib ka dhici doona dalka Burkina Faso, waxa kale oo ay Muna Cumar sheegtay in dalkeedu qorshaystay in uu waftiyo heerkoodu sarreeyo kaga qaybgalo kulamada, Iskaashiga Koonfurta Kuuriya iyo Afrika iyo kulan-madaxeedka Afrika iyo koonfurta Ameerika oo isna bisha dambe ka dhici doona dalka Equatorial Guinea iyo weliba kulanka dalalka xeebta iyo laba degaanka Afrika oo bisha soo socota ka qabsoomaya dalka Chad.

Waxa kale oo uu dalka Masar aad ugu mashquulsan yahay sidii uu kor ugu qaadi lahaa ganacsiga uu la leeyahay qaaradda Afrika guud ahaan, iyo si gaar ah dalalka webiga Nile ku teedan oo ay doonayso in ay ku samayso maalgashi, si ay saamayn ugu yeelato siyaasadda dalkaas ugana hawlgasho in ay qaab diblumaasi dalkaas kaga hor istaagto damacyadooda la xidhiidha webiga Nile ka oo ah nolosha dalka Masar.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamud Mursi ayaa muddo 17 sano ah markii ugu horreysay madaxweyne Masaari ah, magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika kaga qayb galay shir-madaxeedka dalalka Afrika. Madaxweynihii gadoodka dadweyne lagu riday ee dalka Masar Md. Xusni Mubaarak ayaa ay siyaasayiinta dalkiisu aad ugu dhaliili jireen in uu dayacay xidhiidhka dalkiisa iyo Afrika inteeda kale si guud iyo xidhiidhka Itoobiya si gaar ahaaneed, kadib markii uu ka gaabsaday ka qayb galka shirarka midowga Afrika, arrintaas oo ka dambaysay markii sannadkii 1995-kii magaalada Addis Ababa oo uu kaga qayb galayey shir-madaxeedka Afrika loo dhigay shirqoolkii fashilmay ee la doonayey in lagu khaarajiyo.

Biyaha Nile oo intooda ugu badani ka soo burqadaan dalka Itoobiya waxa sidoo kale uu ka ka soo bilowdaa ama soo maraa dalalka Uganda, Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo Sudan oo ay gacamada oo dhami isugu soo ururaan kadibna uu u gudbo dalka Masar.

Qaar badan oo dalalkaa ka mid ah ayaan ku niyad samayn heshiis ay aaminsan yihiin in ay Masar oo ah dawlad guun ahi uga faa’idaysatay maamulladii reer Yurub ee dalalkan gumaysiga ku joogi jiray iyo ilbaxnimo yaraantii dalalkan qaar ka jirtay, heshiiskaas oo xaq u siinaya in ay biyaha webiga Nile kelideed ay saami ka badan boqolkiiba 65 ka hesho. Heshiiskaas oo ay Masar si adag u diiddan tahay in ay wax ka beddesho cabsi badanna laga qabo in ay dagaal ka xigto haddiiba uu dal ka mid ah dalalka webigu soo dhex maraa wax ka beddelo.

Si kastaba ha ahaato ee dalalkan qaar badan oo ka mid ah ayaa qaba in heshiiskaasi aanu khusayn maadaama oo lala galay dalwado gumaysi ahaa ama aan lagaba soo qayb gelin iyaga oo la og yahay in webigu dhulkooda maro.

Masar waxa ay kalsooni badan ku qabtaa cududdeeda milateri iyo Diblumaasiyadeed oo dalalkan intooda badan ku qasbaya in aanay ku kicin tallaabo wax yeellaynaysa saamiga ay biyaha Nile ka hesho, laakiin waxaa muuqata si ka duwan madaxweynihii hore ee Masar in uu madaxweyne Maxamud Mursi niyadda ku hayo in labadaas oo keliyi aanay ku filnayn in ay dalkiisa u ilaaliyaan saamiga uu biyaha ka helo ee sad-bursigu ku jiro. Waxa aanu si gaar ah indhaha ugu hayaa dalka Itoobiya oo isagu u muuqda in uu yahay kan ugu soo awoodda badan isla markaana kari kara in uu biyahaa farogelin ku sameeyo.

Waxaa dhowaanahan dalka Itoobiya ka bilowday maalgashi baaxad leh oo ay shirkadaha dalka Masar ku samaynayaan dhulka Itoobiya, waxaana ka mid ah qorshe hadda lagu gudo jiro fulintiisa oo ay Masar ku doonayso in ay magaalo warshadeed Masaaridu leedahay ka dhex dhisto dhulka Itoobiya, mashruucaas maalgashi oo ay ku baxayso lacag lagu qiyaasay 35 Milyan oo doolarka Maraykanka ah. intaas kuma koobna maalgashiga Masar ee waxaa iyaguna jira mashaariic kale oo u badan warshado kala duwan, oo ay ka mid tahay warshad weyn oo loogu talo galay in ay galka ka saarto midhihaa geed saliideedda sisinta ee dalka Itoobiya, warshaddaas oo wax badan ku tari doonta dhaqaalaha dalka Itoobiya waxaa laga filayaa wax-soo-saar dhan 50 kun oo ton bishii, waxaana la filayaa in laba bilood gudahood ay ku hawlgasho.

Waxaa isna jira iskaashi 50 Milyan oo doolar ah oo ay Masar iyo Itoobiya ku maalgelinayaan mashruuc lagu naaxinayo lo’da yar yar, waxaa lagu wadaa in lo’dan oo lagu qali doono dalka Itoobiya hilibkeeda oo gaadhaya illaa 500 oo kun oo ton loo diri doono dalalka Masar iyo Sucuudiga oo uu mashruucu haddaba bilaabay in uu hilibka u diro. Waxaa iyaguna jiro heshiisyo ganacsi oo dhex maray ganacsatada waaweyn ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya iyo maalgashadayaal Masaari ah, kaas oo ah in muddo 99 sano ah ay Masar kiro ku deggenaato dhul cabbirkiisu dhan yahay Hal Milyan oo mitir oo afar jibbaaran, dhulkaas ay ka dhigi doonto deegaan warshadeed sita magaca Masar oo ku dhex yaalla Itoobiya, iyada oo halkii mitir ee dhulkaas ahba sannadkii lagaga kirayn doono 50 Qirshi. Iyada oo Masar taas beddelkeeda maalgashi badan gelin doonta dhinaca warshadaha iyo wax-soo-saarka cuntada iyo xoolaha ee Itoobiya. Wejiga koowaad ee maalgashigan waxaa dalka Masar kaga baxaya 40.5 milyan oo doolar.