Khamiista Dambe Ayaa La Soomayaa Sagaaloodka Carafa Ciidduna Waxa Ay Ku Beegantay Jimcaha 26 Ka Oktoobar

0
590

 

xajkaRiyaad (Geeska)- Maxkamadda sare ee dalka Sucuudiga ayaa kaga dhawaaqday magaalada xarunta ah ee Riyaad in bilowgii bisha Dul Xijj sannadka 1433-ka Hijriyadu ay ku beegnayd arbacadii shalay.

 

War-murtiyeed rasmi ah oo ay maxkamaddu ka soo saartay xarunteeda Riyaad ayaa ay ku tidhi, “Annaga oo tixraacayna xogaha la xidhiidha aragtida bisha Dul-xijj ee Isniintii aanu ka helnay maxkamadaha iyo guddiyada aragtida bisha qaabilsan ee ka hawlgala gobollada kala duwan ee Sucuudiga, waxa aanu guddoonsannay in maalinta Isniinta ay ku buuxday 30 bisha Dul-Qicda oo maalinta Arbacada ee bisha Oktoobar ay tahay 17-ka ay noqonayso maalinta ugu horraysa bisha Dul-Xijj (Bisha Carafa)”

War murtiyeedka ka soo baxay maxkamadda sare ee Sucuudiga waxaa kale oo lagu sheegay maalinta la istaagayo buurta Carafa ee ay tahay in ay soomaan muslimiinta aan sannadka xajjin ay ku beegan tahay maalinta khamiista ee ay bisha Oktoobar tahay 25-ka oo ah khamiistan maanta khamiisteeda, halka uu ciid Al-Adxuhuna noqonayo maalinta jimce ee ku beegan 26-ka Oktoobar 2012-ka.