Burco: Masuuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Talaalaya Xoolo Tiro Badan

0
639

 

Burco( Geeska )-Isuduwaha Wasaaradda Xanaanadda xoolaha ee gobolka Togdheer Dr. Cabdi Muuse Jaamac (Cabdi-hindi), ayaa markii u horeysay ka warbixiyay talaal ay gobolka Togdheer ka bilawday wasaaradoodu ,kaasi oo lagu  talaali-doonaan xoolo tiradoodu gaadhayso 150,000.

Sidoo  kale  isuduwaha oo magaalada Burco ugu waramay Wariyaha Geeska Afrika ee gobolada bari ayaa sababeeyay hoos u dhac uu sheegay in uu ku yimi tirada xoolaha ee dalka ka dhoofaya bisha Arafo marka la baaldhigo sanadkii hore. “ Maanta waxaanu halkan ku kala diraynaa Tiimamkii u kala baxaayay talaalka Xoolaha ee gobolka Togdheer iyo Oodweyne , kuwaas  oo Xoolaha ka talaali-doona  xanuunka Sambabka oo ah xanuun dilaa ah  iyo xanuuno kale , Sidaa awgeed kooxahan waxay ololahan caafimaadka  wadi-doonaan 23-cisho mudadaasina waxay talaali-doonaan Xoolo tiradoodu tahay 150,000 Neef oo adhi ah  ,waxaanay xanuunada aanu  talaalaynaa ka midyihiin xanuunada xoolaheena waxyeeleeya haday tahay xaga caanaha iyo haday tahay xaga ganacsigaba markaa si looga hortago ayay Wasaaraddu  bilawday talaalkan”

Waxa uu  Dr. Cabdi Muuse intaas raaciyay baaq uu u diray dadka xoolo dhaqatada ah ee gobolka Togdheer ku dhaqan in ay ka faa’idaystaan Ololahan talaalka Xoolaha ,xanuunada ay garanwaayaana la socodsiiyaan dhakhaatiirta iyo hawl wadeenada hawshan  u xilsaaran caafimaadka Xoolaha Nool.

Sidoo kale Isuduwaha Xanaanada  Xoolaha ee gobolka Togdheer ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen tirada Xoolaha bishan Carafo ee sanadkan dalka ka dhoofayaa  ka dib markii ay duruufo la soo darseen  waxaanu yidhi “ Gobolka marka Xoolo dhoofka laga hadlo xooluhu si fiican ayay u socdaan ,laakiin bishan Arafo xooluhu wakhtigii ay bilaami jireen iibkoodu muu bilaamen oo dib u dhac ayaa ku yimi ,waxaaney iibka xooluhu bilaameen 22-kii bishii Sagaalaad ,halka ay markii hore ka bilaami-jireen 1-da bisha Sagaalaad ,markaa taas-na waxa keenay sababo jira , oo ay ka midyihiin ,duruufo abaareed ,xoolihii oo jilcay iyo sixirka Xoolaha oo  sare u kacay ,markaa marka lays baaldhigo Xoolaha bisha Arafo dalka ka dhoofaya iyo kuwa bishii sanadkii hore dhoofay waxa badan kuwa sanadkii hore dhoofay “  Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Isuduwuhu .

Maaha markii u horeysay ee ay Wasaaradda Xanaanadda xooluhu gobolka Togdheer ka bilawdo Ololayaal caafimaad oo Xoolaha ku dhaqan gobolka Togdheer lagu talaalaayo.