Masaajid Wareegaysa Oo Xal U Noqday Haleeli Waagii Salaadaha Jamaca Ah

0
1022

Jakarta (Geeska)- Dawladda hoose ee magaalada Jakarta oo ah caasimadda dalka Indooniisiya ayaa samaysay nidaam cusub oo dadku kaga bixi karaan dhibaatadii ka haysatay ilaalinta waqtiyada salaadda iyo in ay jamac la tukadaan, taas oo sababta ugu weyni ay tahay cidhiidhiga xad dhaafka ah ee ka jira magaalada  Jakarta oo ay ku nool yihiin dad tiradooda lagu qiyaaso 9 milyan iyo 600 oo kun oo ruux.

Dawladda hoose ee magaalada Jakarta ayaa hirgelisay mashruucan ay dadku u bixiyeen masaajidda wareegta oo ay qorshihiisa lahayd hay’adda masaajidda ee dalka Indooniisiya. Gawaadhi xamuul ah oo dhinaca (Jenbiga) inta laga furo ay ka soo baxayso sagxad cago adag ku taagan oo la fuuli karo, kadibna dadku ku dul tukanayaan ayaa noqday mawlac wareegaya oo xilliga salaadaha istaagaya goobaha ugu cidhiidhiga badan, si ay ugu tukadaan dadka socotada ah ee aanay masaajiddu u dhoweyn, kuwa xafiisyada iyo meheradaha ku dhow goobta iyo xitaa mararka qaarkood dadka wata ama fuushan gaadiidka ku xanniban cidhiidhiga jidka.

Maalmaha jimcaha ee ay dadku nasashada ku jiraan ayaa ay masaajidda wareegtaa ka hawlgashadaa jidadka cidhiidhigu ku badan yahay, si dadka lugta ah iyo kuwa gaadiidka wata ee jidadka ku xannibma kana cabsi qaba in salaadda jimce ka tagto. Gaadhigan masaajidka ah waxaa marka hore saaran imaamka tukinaya jamaca iyo mu’addinka. Maalinta jimcahana waxaa ku soo kordha Sheekha khudbadda jimcaha u akhriyaya jamaca masaajidkan wareegaya ku soo tukanaya.

Masaajidka wareega waxaa lagu goglaa roogag, waxa aana halkii mar ku tukan kara 100 qof. Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in masaajidkan wareegaa uu leeyahay qol ay qasabado ku rakiban yihiin oo loogu talagalay in ay dadku ku weyso qaataan iyo qayb dumarka loogu talagalay oo ay yaallaan maryo asturan oo loo qorsheeyey in gabadha aan dharkeeda asturnaanteeda awgeed u tukan karin ay xidhato oo ku tukato.

Magaalada Jakarta waxaa ku wareega afar masjid oo noocan wareegaya ah, waxa aanay shaqeeyaan saacadaha u dhexeeya duhurka illaa gabbal dhaca si ay dadku fursad ugu helaan in ay ku tukadaan salaadda duhur iyo salaadda casar oo ah labada waqti ee cidhiidhiga iyo mashquulka caasimaddu ugu badan yihiin, waxa aanu qorshuhu yahay in qofku uu saddexda salaadood ee hadhay ku tukado masaajidda maadaama oo aanu jirin cidhiidhi iyo sababo qofka u diidi kara in uu masaajidka tago.