Shirkada Emirates Oo Wakiilkeeda Somaliland Iyo Somaliya U Magacawday Euro Africa Travel 

0
1001

Hargeysa(Geeska)-Shirkada diyaaradaha ee Emirates ayaa wakiilnimadeeda Somaliland iyo Somaliya u soo magacawday xafiiska Euro Africa Travel  oo hore uga shaqayn jirtay arimaha duulimaadyada.

Euro Africa Travel  ayaa daboolka ka qaaday in shirkada Emirates ay wakiil buuxa uga noqon doonaan Somaliland iyo Somaliya isla markaasna ay qaban doonaan dhamaan adeegyadii shirkadaas ay u qaban jirtay macaamiisheeda ku safra ee caalamiga ah.

Hadaba; qoraal kooban oo wargeyska Geeska Afrika ka soo gaadhay Euro Africa Travel oo lagu faahfaaminaayo hawlaha ay shirkadan uga wakiilka noqonayso waxa uu isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan  “Emirates waxay u Magacawday Euro Africa Travel wakiilkeeda iibiyha Guud ( off-line GSA), xarumaha Ganacsi ee caasimadda Somalia-Mogadisho iyo Hargeisa-Somaliland, laga bilaabo 1da August 2017.

Iskaashiga Emirates iyo Euro Africa Travel, waxuu rakaabka u sahlayaa inay si hawl yar u xajistaan kuna iibsadaan tigidhada habka On-line-ka ee xarumaha shirkadda sida, Nairobi, Dar Esssalam iyo Khartoum, si fududna ugu dhoofaan Dubai iyo dhammaan daafaha caalamka.

Waxaanu ku faraxsanahay magacaabista Euro Africa Travel xarumaha ganacsi ee Somalia iyo Somaliland. Inkastoo Emirates xilligan aanay dulimaadyo ka samayn Somalia iyo Somaliland ,haddana iskaashigayagu wuxuu u sahli doona dhammaan muwaadiniinta Somalia iyo Somaaliland inay ku xidhmaan asxabtooda iyo ehelkooda ku sugan dhamaan meelaha caanka ah ay Emirtes tagto, sida Europe, America iyo Asia oo ay ka mid yihiin; London, Stockholm, New York, Mumbai, Hyderabat, Guangzhou iyo Kulalampour iyadoo ka duulaysa bardhexaadda Dubai “sidaa waxaa yidhi Orhan Abbas,Guddomiye ku xigeenka waaxda hawlgallada ganacsiga ee Africa“

Euro Africa Travel waxay ku taallaa jidka Maka al Mukarama, Guriga shaqaalaha ee degmada Hodan- Mogadisho. Hargeisa waxay ku tallaa waddada 26 june, Daarta Hassan rakuub. Shirkaddu waxay ka diiwaan gashantahay UK, Kenya, Somalia (MGQ) iyo Somaliland (HGA). Waxay ka mid tahay ururka IATA  oo ay ka diiwaan gashantahay UK iyo Kenya.

Macaamiisha ku duulaya Emirates, waxay fursad u helayaan 2500 oo maxaddadood oo maaweelo muuqaal iyo maqalba leh, oo ah nidaamka ‘ice` oo ay ku mutaysatay Emirtes abaalmarintiisa. Kaasi oo ay ka heli karaan aflaamtii ugu danbeysey, muusikada, ciyaaro kutub maqal ah,waxyaabo famliga iyo caruurtaba ku habboon oo ay ka mid yihiin qalabka ciyaaraha caruurta, cuntooyinka iyo aflaamta. Mudnaanata famliyada inay hor galaan dayuuradda ayaa isna jira.  Waxay isla markaana ka heli karaan Madaarka Caalamiga ee Dubai, qalab u fududaynaya in caruurtu si sahlan dayuuradda u saari karaan.

Marka laga yimaaddo raaxada gurada dayuuradda iyo badeecooyinka laga helayo, waxay macaamiishu  aad uga mabsuudi doonaan soo dhoweynta diirran ee ka heli doonaan shaqaale ka soo kala jeeda jinsiyadu kala duwan oo loo carbiyey soo dhoweynta ay caanka ku tahay Emirates. Waxaa kaloo u diyaara rashin  iyo sharaab ay ku fara yaraysteen kuug heer gobol iyo caalamiba ah.

Iyadoo la asaasay 1985, waxay Emirtaes gaadhaa ilaa 157 magaalo ama 84 waddan oo dhamaan daafaha caalamka ka kooban. Waxay adeegsataa dayuuradaha nooca ugu koobkooban, gurada ballaadhan ee ugu casrisan iyo kuwooda ugu waaweyn caalmaka oy ka mid yihiin A380 iyo Boeing 777-da. Waxaa dhowaan loo caleema saaray maaweelada duulimaadka gudihhisa inay kow ka noqoto, kaasi oo ay markii 13-aad ku guuleysatay billad sharafta ` SkyTrax` sannadkan 2017.  Waxay kaloo isla markaa ku guuleysatey inay kow ka tahay raaxda qaybta derajada kowaad (1st class)

Waxaad si fudud uga xajisan kartaa ama uga gadan kartaa tigidhada Emirtes inaad la xidhhidhid:  Euro Africa Travel +252 1851000 ama mgq@euroafricatravel.co.ke – Mogadisho.”