Marwo Aamina-Weris Oo Ka Jawaabtay Hadal Kaga Soo Noqday Xafladii Murashaxnimada Maayarka Berbera Oo Ay Ka Qayb Gashay

0
562

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina-weris Maxamed Jirde, ayaa sheegtay inkastoo ay u simantahay shacabka, haddana marka ay olole siyaasadeed noqoto inay safka hore kaga jirto ololayaasha siyaasadeed ee KULMIYE, waxaanay xukuumadda KULMIYE ka difaacday eedaha mucaaradka ee ah inaanay wax la taaban karo qaban labadii sannadood ee ay xilka haysay.

 

Marwo Aamina-weris oo hadal ka jeedisay munaasibad ay salaasadii ku dhagax dhigtay  xarun cusub oo lagu daryeelayo Caruurta Agoomaha ah oo laga hirgelinayo Degmada Laasgeel, ayaa waxa kale oo ay ka jawaabtay dareen ay sheegtay inuu kaga soo noqday munaasibad ay ka qayb gashay oo  uu dhawaan murashaxnimadiisa golaha deegaanka ee Berbera ku shaaciyay maayarka Berbera Cabdalle Maxamed Carab. Ugu horayn iyadoo ka hadlaysa waxyaabaha ay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo mudadii ay jirtay u qabatay degmada Laasgeel, waxay tidhi “Degmadan Laasgeel waxyaabo badan oo baahiyo ah way sheegatay laakiin runta haddii la sheego labadii sannadood ee dawladu jirtay wixii la qabtay aad iyo aad baa loo sheegay biyo ayaa ka mid ah, rugo caafimaad ayaa ka mid ah, macalimiin loo kordhiyay ayaa ka mid ah, gaadiidkii halkan laga sheegayaa ka mid ah, dugsi dhexe ayaa ka mid ah, kii sare oo macalimiinta loogu balan qaadaybaa ka mid ah. “

Marwo Aamina-weris, iyadoo ka jawaab celinaysa hadalada mucaaradka ee biyo-dhacoodu yahay inaanu Madaxweyne Siilaanyo weli hirgelin isbedelkii uu ololihii doorashada ku galay, waxay tidhi “Waxaan cadaynayaa dawladda KULMIYE ee odaygaygu ka madaxda yahay inay dedaal waddo, inay wax badan oo ka dhimani jiraan waan cadaynayaa laakiin intii ay qabatay waxa marag ma doon ah qofkii runta sheegaya ee Somalilandnimadu ka daacad tahay wuu arkaa wixii ay qabatay inta qarinaysana waxba nagama gelin.”

Marwo Aamina-weris waxay halkaas ka sheegtay fal-celin kaga soo noqotay munaasibadii ay dhawaan ka qayb gashay ee uu maayarka degmada Berbera kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa golaha deegaanka, waxaanay iyadoo arrintaas ka hadlaysa tidhi “Maalin dhawayto anigoo tacsi ku socda ayaan Berbera oo Cabdalle oo maayarka qaaliga ah ee Berbera uu ka sharaxanyahay ka qayb galay dad baa yidhi Aamina-weris maxaa geeyay. Aamina-weris marka u horaysa waa KULMIYE, marka labaad waa marwadii madaxweynaha,  umadday u simantahay laakiin olole marka la galo iyo marka KULMIYE loo ololaynayo qofka koowaad (Number one) ayaan ka ahay ee ogaada.”

In  badan waxa uu xisbiga KULMIYE wakhtigii uu mucaaradka ahaa uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ku eedayn jiray inuu ka qayb galo xaflado magac u yaal ah oo uu ku dhagax dhigo mashaariic aan jirin, iyadoo marwadu eedahaas hore ku soo hal qabsanaysa waxay tidhi   “Maanta halkan arrintan aynu u nimid ee samofalka ah ee tabaracu ah ee la igu soo martiqaaday aan ka odhanayaa waxa weeye walaalayaal sidii dawladii hore yaan la inagu xamanin dhagax meel la dhigo oo laga tago.”

Iyadoo ka sii hadlaysa mashruuca ay dhagax dhigtay, waxay tidhi “Waa samofal ee aynu u dedaalno, haddii qof waliba hal Dollar bixiyo waxa weeye Dollar meel fiican galay, agoomaha dalkeena ka jira ta’ Hargeysa oo ah tii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre samaysay mooyaane inta kale dad baa bilaabay, ta’ Burco, ta Borama, ta Gabiley dad baa bilaabay oo wixii wax tarayaana ugu darayaan. Tanina ha noqoto wax deegaanku intay bilowdeen ay hormuud ka yihiin ciddii wax ugu daraysaa haddii ay dawlad tahay, hay’ado samofal tahay, qurbe joog tahay, laakiin wax aka hormuud ah deegaanka reer Laasgeel.”

Ugu dambayn waxay Marwo Aamina-weris halkaas ka sheegtay in iyadoo metelaysa nafteeda balse aan metalayn dawladda Somaliland ay dhismahaas loogu tallo galay agoomaha ugu tabaruucayso  $ 1500 (Kun iyo shan boqol oo Dollar).