Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Wakiilada Oo Difaacay Labada Xil ee Gudomiye Cirro Isku Hayo

0
504

 

laxayHargaysa( Geeska )- Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Cali Yuusuf Axmed, ayaa ku difaacay gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro inuu hayn karo xilka gudoomiyenimo ee golaha wakiilada isaga oo gudoomiye ka ah urur siyaasadeedka Wadani.

 

Gudoomiye Cali Yuusuf waxa ku celceliyay in aanay jirin shirciyad xeerarka ama dastuurka dalka ku xusan oo u diidaysa gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro inuu isku hayo labada xil ee uu maanta hayo.

Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha  wakiilada Cali Yuusuf Axmed oo ka hadlaaya xilalka uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada waxa uu yidhi  “Marka la leeyahay gudoomiyaha golaha wakiiladu iskuma hayn karo labada xil ee uu hayo, waa inuu jiraa xeerar la cuskanayo oo wadanka u yaala.”

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiiladu isaga oo ka waramaaya dastuurka dalku cida uu sheegay in aanay ka qaybgali karin siyaasada waxa uu yidhi “Distoorka dalka u yaala iyo xeerarka wadanku waxay sheegayaan in agaasime guud ilaa inta ka hoosaysa iyo ciidamada qaranku aanay xubin firfircoon ka noqon Karin urur siyaasadeed,balse waxay xaq u leeyihiin inay

codeeyaan,madaxweynuhuna waa kii soo saaray wareegto uu ku adkaynaayay  inaanay ka qayb galin ololayaasha siyaasada.”

Cali Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa si toosa uga hadlay labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro “Gudoomiyaha ururka Waddani waa nin siyaasiya,kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada ee uu ku fadhiyaana waa mid loo dhan yahay oo ay u doorteen mudanayasha golaha wakiiladu,hadii la yidhaahado ha’lagaqaado  waa wax meesha iman kara, laakiin waxa lagaga qaadi karaa sifo sharci ah oo distoorku inoo ogolaanayo, sharciga wadanku waxa uu ina farayaa hadii xubin ka mida shirgudoonka golaha wakiilada laga qaadayo xilka waa inay isku raacaan sadex meeloodow laba mudanayaasha golaha wakiilada,balse sabab kale oo xilka looga qaado gudoomiyaha golaha wakiilada meesha  ma taalo.”

Gudoomiye Cali Yuusuf waxa uu sheegay in aanu ku difaacayn Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro afkii shir gudoonka iyo mid Kulmiye toona,bale waxa uu ku tilmaamay difaacitaankaas mid xaq ah, waxaanu si cad u sheegay inuu xilkaas hayn karo isaga oo hogaaminaya urur siyaasadeedka Wadani.

Hadalka gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Cali Yuusuf  ayaa  ku soo beegmaya wakhti ay ururada siyaasada Somaliland si weyn uga soo hor jeedaan labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada, iyaga oo komishanka doorashooyinkana ka codsaday inay go’aan ka soo saaraan waxa laga yeelayo labada xil ee uu isku hayo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro.