Madaxweynaha Somaliya Oo Diiday Inuu Ka Qayb Galo Shirka Qaramada Midoobay

0
471

 

xasan-sheekhMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu go’aan ku gaadhay inaanu ka qayb gelin shirka ay dalalka Qaramada Midoobay sannadkiiba mar isugu yimaadaan oo dhawaan ka furmi doona magaalada Newyork ee dalka Maraykanka.

 

Madaxweyne Xasan, oo habeen hore hadal ka jeediyay kulan uu ku qaabilay Baarlamaanka dalkiisa, wuxuu ku sheegay inuu sidoo kale ka baaqday inuu ka qayb galo shir caalami ah oo lagaga hadlayo Somaliya oo isna isla bishan lagu qaban doono magaalada Newyork. Waxaanu sheegay inuu shirkan dambe ee Somaliya ku saabsan uga baaqday ka dib markii uu ka war helay miisaanka go’aamada ka soo bixi doona.  Isagoo sheegay inuu shirka golaha loo dhanyahayna uga baaqday caqabado uu sheegay inay dalkiisa Somaliya ka jiraan. “Arrimahas caqabadaha ee ina horyaal awgeed waxaan ka baaqday shirkii jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee Newyork iyo shir somalida gaar u ahaa oo 26 September lagu qaban lahaa Newyork oo ay ka qayb geli lahaayeen dad madax ah oo caalamka oo dhan ka socda” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay “Shirkaas oo Somaliya u khaas ah, laakiin markaan ajandaha shirka iyo war-murtiyeedka la rajaynayo inuu ka soo baxayo iyo markaan is barbardhigay caqabadaha ina horyaal waxa ii soo baxday inay haboontahay inaan iska joogo, waxaanan go’aan ku gaadhay inaan joogo oo aanan bixin oo aan caqabadahass dalka ka jira u horkaco sidii loo xalin lahaa amaba loo yarayn lahaa.”

Shirka golaha loo dhanyahay ee umadaha midoobay, waxa hadalo ka jeedin doono madaxda dalalka dunida, waana madal ay sannadkiiba mar isku haleelaan madaxda dunida ee isu miciyo lista.