Marwada Koowaad Ee Maraykanka Oo U Shandada Xidhatay In Ay Dhaqso Uga Guurto Aqalka Cad

0
695

Xaaska Madaxweynaha xilligiisu sii dhammaanayo ee Maraykanka ayaa bilowday in ay ka xamaam urursato aqalka cad ee aanu weli odaygeedu qiran in lagaga adkaaday doorashadii uu ku sii joogi kari lahaa afarta sano ee soo socda. Inkasta oo uu madaxweyne Donald Trump si joogto ah bartiisa twitter ka ugu faafinayo farrimo cadho badani ka muuqato oo uu ku doodayo in xisbiga Dimuqraaddigu uu ku shubtay doorashadii uu kaga adkaaday Joe Biden, haddana marwada koowaad Melania ayaa bilowday tallaabooyin hor u dhac u ah ka guuristeeda Aqalka Cad iyo xitaa magaalada caasimadda ah ee Washington.

Shabakadda wararka ee CNN ayaa hore u faafisay warbixin sheegaysa in qaybsanaan la xidhiidha go’aanka laga qaadanayo natiijadii doorashadu ay ka dhex jirto dadka ku xeeran madaxweyne Trump, iyada oo xaaskiisa Melania ay kula talinayso in uu aqbalo guusha Joe Biden, laakiin Trump iyo xubno kale oo ka agdhowi ay aad u diidan yihiin.

Marwo Melania ayaa la sheegay in ay si qarsoodi ah u diratay qof u soo ogaado miidaaniyadda Aqalka Cad u qoondeeyo guurista qoyska madaxweynaha xilku ka dhammaaday iyo in uu u soo qiimeeyo shaqaalaha ay u baahan karto nolosheeda Aqalka Cad kaddib. Waxa kale oo ay Melania bilowday qorshe ay wiilkeeda 14 jirka ah ee Baron beddel uga qaadayso dugsiga uu dhigto ee Washington si uu waxbarashadiisa uga sii wado Florida.

CNN waxa ay sheegtay in Marwo Melania ay ku hawlantahay xamaam urursiga iyo ka xidh-xidhashada aqalka cad. Qof ka agdhow Melania magaciisa qariyey ayaa CNN u sheegay in ay doonayso in ay dib ugu guurto gurigii qoyska ee caadiga ahaa. Mar la weydiiyey dareenka marwada koowaad ee la xidhiidha qorshaha la sheegay in uu Trump ku hawlan yahay ee ah in uu mar kale doorashada madaxtinimada isu soo sharraxo sannadka 2024 ka marka uu xilku ka dhammaado Joe Biden, waxa uu si kooban ugu jawaabay, “Waa laga yaabaa in xidhiidhkoodu aanu sii fiicnaan”

Waxaa jira warar is burinaya oo sheegaya halka uu qoyska Trump u guuri doono marka la gaadho 20-ka Jeenaweri oo ay tahay in ay banneeyaan aqalka cad, majaladda ‘People’ ayaa iyadu hore u sheegtay in ay waqti sii deggenaan doonaan dhismahayaasha Trump ee magaalada New York, kaddibna u guuri doonaan beertooda nasashada ee Mar-a-Lago oo ku taalla degmada Palm Beach ee gobalka Florida.

Sharciga Maraykanka ayaa dhigaya marka xilka madaxweynuhu dhammaado in marwada koowaad ee hore la siiyo miisaaniyad kooban oo u gaar ah, taas oo ay ka mid tahay kharashaadka ay ku samaysanayso xafiis rasmiya oo u gaar ah, iyo in ay qabsato shaqaale. Waxa kale oo loo ogolyahay in laga bixiyo kharashka safarrada qaarkood, iyo haddii uu odaygeeda madaxweynaha ahaan jiray dhinto, in sannad kasta la siiyo 20 kun oo doolarka Maraykanka ah, inta ay nooshahay. Marwo Melania ayaa la filayaa in ay dhowaan soo saari doonto buugga xususu qorkeeda aqalka cad oo dad badani filayaan in uu xambaarsanaan doono arrimo xiise gaar ah leh, sababta madaweyne Trump in ay u dhaxday ah awgeed.