Kelitaliyaha Waa Hoggaamiye Cabsi Uu Dadkiisa Ka Qabaa Ku Kallifto In Uu Si Arxandaran Cagta U Saaro (1)

0
735

Kelitaliyuhu (Diktataatoorku) waa shakhsi caan ku ah mucangagnimo, kursi ku dheg iyo in aanu u naxariisan cid kasta oo uu u arko in ay haysashadiisa kursiga khatar ku noqon karto xitaa mustaqbalka fog. Maqaal gorfayn cilmi ah ku samaynaya shakhsiyadda nafsiga ah ee kelitaliyaha oo lagu baahiyey shabakadda caanka ah ee ‘Livescience’

ayaa lagu sheegay in culimada cilminafsigu ay shakhsiyaadkii keliyeyaasha ah ee dunida soo maray ku tilmaameen dad qaba xanuun nafsadeed ah isla weyni waalli ah. Culimada oo tusaale u soo qaatay kelitaliyeyaashii caanka ahaa ee Joseph Stalin uu ka mid ahaa ayaa baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in kelitaliyayaashu ay ka siman yihiin xaaladda nafsadeed ee Narjasiyada loo yaqaanno ‘Narcissism’.

‘Narcissism’ waa xaalad nafsiyadeed oo uu qofku ku dagmo jacaylka uu naftiisa u qabo iyo isla doonista wax kasta oo san, isla weyni, in uu isagu uun muhiim isu arko, waxa wanaagsanna helo xitaa haddii ay noqonayso in cid kale uu ku waxyeelleeyo.

Maqaalka oo ka warramayey sida ay ku samaysanto kelitalisnimadu waxa uu sheegay in awoodda iyo madaxnimadu ay teed nafsiyadeed dhex dhigto qofka marka hore xaaladdiisu Narjasiga ahayd iyo deegaanka ku xeeran oo ay ugu horreyaan muwaadiniinta uu xukumaa, taas oo adkaysa in uu akhriyo waaqaca runta ah ee ka jira Meesha uu ka talinayo iyo dareenka ay dadka kale isaga ka qabaan. Daraasad arrintan lagu sameeyey oo uu maqaalku soo xigtay ayaa lagu ogaaday in awoodda ama madaxnimadu ay sideedaba qofka ku abuurto ‘Ismoodsiis’ afka cilmiga lagu yidhaahd, ‘Ismoodsiiska gacan ku haynta’ (illusion of control) oo ah in qofka madaxda ahi uu maskaddiisa ku qanciyo in xaaladda oo dhami gacanta ugu jirto iyo awood u leeyihiin in xaaladaha jira oo dhan ay maamuli karaan ama xallin karaan. Arrintan waxa ay maskaxda ku abuurtaa awood dheeraad ah oo uu leeyahay waxa aana abuurma xaalad uu ku dhiirrado in uu cagta mariyo cid kasta oo uu u arko in ay khatar u tahay xalkaas uu saxa u arko.

James Fallon oo ah dhakhtar cilminafsiga ku xeeldheer ayaa hadal uu jeediyey bishii May 2011 kii, oo ay dunida Carabta ka socdeen kacdoonnadii la baxay gu’ga Carabta, waxa uu lafagur ku sameeyey ‘Qaab fikirka kelitaliyaha’ waxa uu ku tilmaamay, ‘Beenaalayaal, sixiroolayaal, garaadkoodu aad u sarreeyo’. Fallon oo hadalkan ka jeedinayey golaha xorriyadaha ee Oslo (Oslo Freedom Forum) ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey xidhiidhka Juqraafi iyo taariikheed ee ka dhexeeya shakhsiyaadka kelitaliyeyaasha ah. Waxa uu sheegay in … La soco..