Dabeecadaha Kelitaliyaha, Shakhsiyaddiisa, Sababaha Qallafsanaantiisa Iyo Aragtida Uu Ka Qabo Dadka Taageera

0
772

James Fallon oo ah dhakhtar cilminafsiga ku xeeldheer ayaa hadal uu jeediyey bishii May 2011 kii, oo ay dunida Carabta ka socdeen kacdoonnadii la baxay gu’ga Carabta, waxa uu lafagur ku sameeyey ‘Qaab fikirka kelitaliyaha’ iyo dabeecadihiisa oo uu ku tilmaamay, ‘Beenaalayaal, sixiroolayaal ah oo haddana garaadkoodu aad u sarreeyo’.

Fallon oo hadalkan ka jeedinayey golaha xorriyadaha ee Oslo (Oslo Freedom Forum) ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey xidhiidhka ka dhexeeya dabeecadda iyo habdhaqanka shakhsiyaadka kelitaliyeyaasha ah. “Shakhsiyadda kelitaliyaha ahi inta badan waxa ay u harraad qabtaa awood iyo xukun. Ma’aha jacayl caadiya balse waxaa riixaya bukaan nafsadeed haya oo dhab ah. kelitaliyeyaashu waxa ay inta badan ka siman yihiin xanuunnada nafsiga ah ee ‘Narcissism’, ‘Sadism’, ‘Grandiose delusions (GD)’ iyo ‘Ambiguity’ oo aynu dhammaadka taxanahan mid kasa si kooban ugu sharrixi doonno.

Fallon waxa uu xoogga saaray in uu lafagur iyo baadhis cilmiyeed ku sameeyo dabeecadaha keltaliyeyaal badan oo dunida maanta ka jira, isaga oo si gaar ah u eegayey in ay leeyihiin calaamadaha lagu yaqaanno dabeecadda dadka qaba xaaladda nafsiga ah ee loo yaqaanno  ‘Psychopathy’ oo ah khalkhal nafsadeed sababa in qofku aamino in uu isagu dadka ugu garaad badan yahay, iyo in uu cid keliay jeclaan kari waayo. Taas oo u sabab in uu naco dadka ku xeeran, oo uu xidhiidhkooda jaro iyo in uu ka durko.

Fallon si uu arrintan u ogaado waxa uu adeegsaday shaybaadho kombiyuutar maskaxda la marinayo ah oo uu isbarbar dhig ku sameeyey abuurta maskaxeed ee kelitaliyeyaasha iyo dadka qaba xanuunnada nafsadeed ee kakan.

Ethel Mannin, qoraaga buugga Loneliness: A Study of the Human Condition oo u dhalatay Ingiriiska, ayaa mar ay faallaynaysay kelitalisnimadii Cabdikariim Qaasim oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee Ciraaq yeelato xukunkii boqortooyada kaddib, waxa ay tidhi, “Imika ma awoodo in cid uu ku kalsoonaado, gaar ahaan dadka la shaqaynaya” Qoraalkan ka hor Ethel waxa ay la soo kulantay madaxweyne Qaasim, kaddib isaga oo weli xilka haya ayaa ay buuggan ka qortay.

Ethel waxa ay Madaxweyne Qaasim u arkaysay in uu tusaale u yahay xanuunka nafsiga ah ee gooni-joogga (Loneliness). Iyada oo sheegtay in madaxweynaha kelitaliyaha ahi sidiisaba yahay ruux cabsi hoose oo uu qaranayaa ku abuurantay.

Mar ay ka hadlaysay sida ay xaaladda qofka kelitaliyaha ahi isu beddesho marka uu kursiga gaadho, waxa ay sheegtay marka uu gaadho higsigii uu raadinayey ee ahaa maal, weji iyo awood mid uun, in uu galo xaalad cusub oo nafsadeed oo uu dareemayo wehel la’aan iyo in aanu haysan cid si run ah u hareer taagan. Gooni-jooggaas ayaa ay ka imanaysaa kalsooni darrada uu qabo iyo aaminsanaantiisa ah in aragtida ay dadka kale ka qabaan iyo taageeradoodu ay ku xidhan tahay keliya dheefta ay ka helaan ama cabsida ay isaga ka qabaan balse aanay jirin niyadwanaag iyo kalgacal run ah oo ay u hayaan. Waana markaas marka ay bilaabmayso in uu isna gacan bir ah ku qabto cid kasta oo xilka uu u dhiibo ama dhaqaalaha ay ku qabto isaga awgeed muxaafad ku noqon weyda.

Inkasta oo ay culimada cilminafsigu aad ugu qaybsameen lafagurka shakhsiyadda kelitaliyaha iyo dhibaatada nafsadeed ee ku kallifta in kalsoonidu ka lunto oo aanu dadka aaminin, in uu cabsi ku jiro, in uu dadka cagta mariyo, iyo in uu mar kasta madaxdnimadiisa muuqashadeeda xiiseeyo, haddana weli cidi kama ay warramin, sida uu kelitaliyuhu ku soo xusho dadka ku xeeran, maadaama oo uu fikirka aynu xusnay ka haysto dadka ku xeeran.